Ciidamada Amniga ayaa caawa soo bandhigay hub iyo waxyaabaha qarxa oo ay sheegeen in lagu soo qabtay Nin ka mida Alshabaab degaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho.
“Ciidanka Amniga ayaa howlgal ay ka fuliyeen “Ceelasha Biyaha” kusoo qabtay caawa, dhagarqabe gurigiisa kuhayey walxa qarxa, si shacabka loogu dhibaateeyo, walxaahas oo kala ah. 10 Miinada gawaarida lagu dhajiyo. 10 Mobile. 8 Bambo F1…” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay NISA, iyado muuqaallada lasoo bandhigay ay sidoo kale ka muuqdeen saddex bislooladood iyo qasnadahooda.
Howlgalka ayaa ka dhacay Ceelasha Biyaha oo dhowaan ciidamada Booliska ay shaaciyeen waxyaabo qarxa iyo hub ay kasoo faageen God weyn oo la sheegay inay ku aasteen Alshabaab.
Maanta ayey ahayd markii askar ka mida ciidamada dowladda lagu dilay degaanka Ceelasha biyaha, waxaan howlgalka qeyb ka ahaa ciidamada Madaxtooyada Soomaaliya.
DAAWO SAWIRADDA