Friday, November 8, 2024

Ciidamada Amniga Dowladda Somaliya oo xiray Weriye caan ka ah Baraha Bulshada

Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho ku xiray Weriye ka mida kuwa baraha bulshada oo si weyn uga hadla xaaladda ciidamada dowladda iyo dhibaatooyinka heysta.

Ciidamada Hay’adda NISA ayaa shalay Galab xabsiga dhigay weriye Xuseen Cabdulle Maxamed, waxayna wararku sheegayaan inuu xarigiisa ka danbeeyay, kadib markii looga yeeray Xarunta Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka ee NISA.

Saaxiibada Weriyaha ayaa sheegay in loo xiray kadib markii uu u yeeray Agaasimaha NISA, kadibna uu dhex maray wadahadal ay isku fahmi waayeen, waxayna ururrada saxafiyiinta dalbadeen in si degdega loo sii daayo, maadaama si sharci darro ah uu ku xirtay Agaasimaha cusub ee NISA.

Ad

Hay’adaha Dowladda Federaalka ma sheegin sababta rasmiga ah ee loo xiray weriyaha, balse warbixinadii ugu danbeeyay ee uu baahiyay weriyaha ayaa ku saabsanaa Guddi uu sameeyay Taliyaha cusub ee NISA C/llaahi Sanbaloolshe iyo Dhibaatooyinka heysta ciidamada dowladda, isagoo sheegay inay saraakiil ka tirsan ciidamada ay dalka isaga tegayaan.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in Weriye Xuseen Cabdulle laga sii daayey Xabsiga NISA, kadib markii ay dadaal galeen siyaasiyiin iyo xildhibaanno ay qaraabo yihiin, wuxuuna farriin uu soo qoray markii uu dib u helay xoriyadiisa ku yiri: ““Saxaafadda Soomaaliya waxay saaran tahay gaari BUS ah oo Miineysan, rimoodkii lagu qarxin lahaana uu gacanta ku haayo nin kale!”

Weriye Xuseen Cabdulle oo marar hore looga yeeray xafiiska Xeer ilaalinta kadib warar uu faafiyay ayaa hadda si toos ah loo xiray, waxaana la sugayaa eedaha loo heysto.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON