Ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM ee ka howlgala magaalada Muqdisho ayaa maanta la wareegay ammaanka Xarunta Golaha Shacabka ee magaalada Muqdisho, kadib markii guddoomiye Jawaari dacwad ka gudbiyey ciidamo ay xukuumaddu geysay xaruntaasi.
Cutub ka tirsan Ciidamada AMISOM ayaa la geeyay Xarunta Baarlamaanka oo ka mida goobaha ay u xilsaaran yihiin inay sugaan ammaankooda, waxaana ciidamadasi ay gebi ahaan la wareegeen ammaanka xarunta Baarlamaanka.
Arrintan ayaa ka dambeysay markii ay AMISOM soo faragelisay muranka ka dhashay ciidamadii ay xukuumadda xalay geysay Baarlamaanka iyadoo ka saartay ilaaladii joogtada ahayd ee Baarlamanka, wuxuuna Guddoomiye Jawaari ku eedeeyay Ra’iisal Wasaare Kheyre inuu qabsaday xaruntii Baarlamaanka.
Wararka ayaa sheegay in Beesha Caalamka ay xaaladda soo faragelisay iyadoo madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha ka dalbatay inay ciidamada cusub ee xukuumadu wadato ka qaadaan Xarunta Golaha shacabka.
Xiisadda siyaasadeed ee dhalatay mooshinka laga keenay guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka soomalaiya Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa dhalisay xasilooni darro siyaasadeed oo beesha caalamka ay ka digtay.