Wararka laga helayo Gobolka Mudug ayaa sheegaya in Qarax xoog leh uu burburiyay Ceelkii weynaa ee magaalada Ceelgaras oo dhowaan ay gaareen ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug.
Qarax Miino ayaa saaka Ceelka ka dhacay, waxaana la sheegay inuu ku dhaawacmay qof ka mid ah dadka biyo doon ahaa, kana yimid Dhulka miyiga, waxaana qaraxa dhacay uu waxyeelo gaarsiiyay Gaari Booyad ahaa oo Ceelka ku sugnaa.
Ceelka ayaa weli shaqeynaya, laakiin dhaawac ayaa la sheegay inuu gaaray qalabkii ceelka, waxaana qaraxu sababay in dadkii ay isaga cararraan ceelka Ceelgaras.
Alshabaab ayaa Miinooyin badan ku xirtay dhammaan goobaha muhiimka ah ee degaankan, inta aysan ka bixin Isniintii, inkastoo ay dib ugu laabteen.
Waxaa sidoo kale Ceelgaras ku dhintay laba xildhibaan oo ka kala tirsan Baarlamaanka Galmudug iyo golaha degaanka Dhuusamareeb, markii gaari ay la socdeen uu jiiray miino kale.
Magaalada Ceelgaras ee gobalka Galgaduud ayaa wararku sheegayaan in ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug ay dib uga gurteen, kadib miinooyin badan oo lagu arkay, halka waxaana weli socda howlgallo ay ciidamadu ka wadaan magaalada iyo tuulooyinka u dhow.