Sunday, March 23, 2025

Caruur Soomaali tahriibayaal ah oo Ma-Gafeyaal ka badbaaday dalka Liibiya oo la soo deynayo

Ugu yaraan Labaatan Carruur ah oo ka mida Dadka ku jira xeryaha Qaxootiga Dalka Liibiya kana soo badbaaday Gacanta tahriibiyeyaasha ayaa lagu wadaa in dhawaan lagu soo celiyo Dalkooda Hooyo ee Soomaaliya.

Maryam Yaasiin Xaaji Yuusuf oo ah Ergayga gaarka ah ee xukuumadda Soomaaliya u qaabbilsan xuquuqda tahriibayaasha oo ka mid ah wafdi ay dowladda federaalka u dirtay halkaasi oo safar ku tagay Liibiya iyo Tuniisiya ayaa sheegtay inuu haatan socdo dedaal ku aaddan sidii ay Dhallinyaradaasi dib ugu soo celin lahaayeen Dalkooda.

Maryan oo u warrantay laanta Afka Soomaaliga ee VOA-da ayaa sheegtay inay jiraan carruur badan oo la kulmay dhibaatooyin kala duwan, kuwaasoo qaar ka mid ah ay haatan ku guuleysteen inay soo celiyaan dhawaan, halka inta hadhayna ay waqtiyada xiga soo deyn doonaan.

Ad

Ergeyga ayaa intaa raacisay in Tahriibayaasha Soomaaliyeed ee ku sugan Liibiya ay halkaasi ku haysataan tacaddiyo ba’an oo xagga nolosha iyo xorriyaddaba ah.

Carruurta haatan lagu wado in lagu soo celiyo Dalka Soomaaliya iyo qaar ka mid ah Tahriibayaasha ayaa u sheegay wafdigan dowladda federaalka ka socda iyo saraakiisha hay’adda IOM in laga qaato lacago ka badan inta ay sheegtaan magafayaashu, balse aysan ciqaabta iyo haysashaduba lahayn waqti xaddidan.

 

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON