Ra’iisul wasaarihii hore ee dowladdii KMG aheyd ee Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geedi ayaa ku dhawaaqay inuu yahay  musharax  taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya sanadkan 2016.
Cali Maxamed  Geedi ayaa ka mid noqday liiska hoos ka furan ee musharixiinta madaxweynaha Soomaaliya oo sanadkan noqon doona kii ugu dheeraa taariikhda, waxaana la saadaalinayaa inay musharixiinta xilkan doonaya ka bataan 50.
Musharaxa Cali Maxamed Geedi ayaa siyaasadda ka fadhiyay xilliyadii dambe, marka laga reebo inuu isu sharxay xilka madaxweynaha Soomaaliya 2012 kadibna uu isaga baxay, waxayna dad badan rajo xumo ka muujinayaan rajadiisa xilka uu isu sharxay.
Goobjooge.com