Saturday, December 14, 2024

Cali Khaliif: “Xiriirkii waan u jarnay dowladda Xamar, Shirkii Garowe-na laba wiil oo ilma adeer ah ayaa galay..”

Maamulka Khaatumo ayaa  sheegau inuu xiriirka u jaray dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo ku eedeeyay dowladda Soomaaliya inay gef ka gashay shacabka Soomaaliyeed oo ay ugu wacan tahay heshiiska magaalada Garowe ay ku saxiixeen dowladda Soomaaliya iyo maamulka Puntland.

Shir ay madaxda maamulka Khaatumo ku yeesheen maanta magaalada Buuhoodle ayaa si weyn loogu dhaliilay heshiiskii Garowe, iyadoo sheegay inuu heshiiskaasi gef weyn ku ahaa Dadka Gobollada  Sool, Sanaag iyo Cayn ee maamulka Khaatumo ku mideysan.

Madaxweynaha Maamulka Khaatumo Prof. Cali Khaliif Galayr ayaa sheegay inay muddo dheer ay isku dayayeen in dowladda Xasan Sheekh Maxamuud ku qanciyaan inay masiirka ummadda wada ay metelaan, balse taasi ay ka dhego-adaygeen.

Ad

Cali Khaliif wuxuu ku tilmaamay heshiiska Garowe mid ay wada galeen laba wiil ee ilmo adeerka ah aysan cidna ku metelin haddii ay noqon lahayd Putnland ama dowladda Federaalka. Wuxuu ka digay in heshiiskaasi uu horseedayo burbur.

“Warkeenu wuxuu ku dhan yahay dowladda Xamar cilaaqaadkii ayaanu ka jaranay, Puntland-na awalba khayr badan nooma dhexayn,” ayuu si cad shirkaasi uga dheegay Prof. Cali Khaliif.

Goobjooge.com

- Advertisement -

 

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON