Monday, June 16, 2025

Cali C/llaahi Cosoble oo ka digay Qorshe ay Dowladda Qatar ku badbaadineyso Alshabaab

-

- Advertisement -

Madaxweynihii hore ee Hirshabeelle, ahna siyaasi kasoo jeeda Gobolka Hiiraan ayaa ku eedeeyay dowladda Qatar inay wado dadaal dooneyso in la joojiyo dagaalka ku socda Alshabaab, ayna qorsheyneyso heshiis dhex mara dowladda iyo Alshabaab si a dalka ula wareegto.

Qoraalka hoos ka akhriso

War i soo gaaray ayaa sheegaya iney dowladdii Qatar aheyd ay beerlaxawsi la dhex wareegeyso qaar ka mid ah maamullada iyo siyaasiyiinta Soomaalida ayadoo dooneysa in la joojiyo dagaalka ka dhanka ah Al Shabab oo wada hadal lala galo.

Xaqiiqda waxey tahay Qatar wexey dooneysaa iney lacag ku bixiso sidii cadaadis loo saari lahaa Madaxweyne Xasan Shekh Maxamud si uu u oggolaado inuu wada hadal la furo argagixisada.

- Advertisement -

Sidaasoo ay tahay haddana Qatar daacad kama aha heshiiska ee wexey rabtaa iney Al Shabab sidey u dhan yihiin ka soo mid noqdaan maamulka dowliga ah iyo ciidamada kadibna ay la wareegaan talada dalka.

Qatar ma wexey la tahay in la moog yahay dibindaabyadii ay ku sameysay dowladdii rayidka aheyd ee Afganistan ee ay shirarka riwaayadeynta ah u qaban jirtay ayadoo isla markaana hub, saanad iyo dhaqaale ku bixisa sidey Daliban u qabsan lahaayeen Afganistan?

Qatar ma waxey is leedahay Soomaali waa Afrikaan aan garasho fog laheyn oo aan odorosi karin dibin daabyadii ay Soomaali ku heysay muddada ka badan labaatameeyada sano? Iyo weliba waa dad sabool ah oo ay baahi kaga caddahay wixii ka doonana laga sameysan karo?

Qatar ma waxey moog tahay iney dunida sidii hore isaga dhaw dahay Soomaalidana tahay dad la socda dunida casriga ah loona shidi karin filim dunida hore looga daawaday?

Qatar waad soo lug go’day!

W/Q: Cali Cabdullaahi Cosoble
Madaxweynihii hore ee Hirshabelle

- Advertisement -

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

20 ka mida Taliyeyaashii Sare ee Ciidamada Iran oo lagu dilay Weerarka Israel ku qaaday

Israa’iil ayaa waaberigii hore ee Jimcihii weerar culus ku qaaday dalka Iran, gaar ahaan goobaha nukliyeerka iyo saldhigyada milatari dalkaasi”Weerarkan oo lama filaan ahaa,...

Dowladda Somaliya oo Q/MIdoobay ka dalbatay in la kala diro kooxda Beesha Calamaka ee C6+

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dalbatay in  la kala diro kooxda Beesha caalamka ee loo yaqaan C6+.Qoraal rasmi ah Wasiru dowlaha arrimaha dibadda Soomaaliya Cali...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

QoorQoor oo noqday Madaxweynihii ugu horreeyay ee hirgeliy Qorshaha Qof iyo Cod ee MD. Xasan Sheekh

Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa noqdaymadaxweynihii ugu horeeyay ee ku dhaqaaqa  hirgelinta doorashooyinka Qof iyo Cod ee uu wado Madaxweynaha...

Farmaajo oo dalbaday in Gogosha Madaxweyne Xasan Sheekh laga qeyb geliyo Puntland iyo Jubbaland

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa soo dhaweeyay gogosha uu fidiyey Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee wadatashi Qaran oo la mudeeyay 15-ka...

Madasha Mucaaradka oo ka jawaabtay Gogosha uu dhigay Xasan Sheekh iyo Shuruudda ku xiran

Madasha Samatabixinta Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa war-saxaafadeed jawaab kasoo saartay gogosha uu ku baaqay Madaxweyne Xasan Sheekh ee furmeysa 15-ka bishan June.Qoraal kasoo baxay Madasha...

Fahad Yaasiin oo War yaab leh kasoo saaray Dib u magacaabista Hay’adda NISA ee Mahad Salaad

Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo ahaa Agaasimihii hore ee NISA iyo la-taliyihii Madaxweyne Farmaajo si lama filaan ah hambalyo ugu diray Mahad Maxamed Salaad,...

XOGAHA QARSOON

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

XOG: Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan Sheekh uu luminayo taageerada Mareykanka?

Waxaa dhowaan baraha bulshada iyo qaar ka mida Warbaahinta Soomaalida lagu faafiyay Wararka ku saabsan in Aqalka Cad ee Mareykanka uu si weyn uga...

Siciid Dani iyo Axmed Madoobe oo is-afgarad ku gaaray dalka Imaaraadka Carabta, kuna soo jeeda…

Wararka laga helayo Dalka Imaaraadka Carabta ayaa sheegaya in Madaxweynayaasha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ay is afgarad ku...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you