Madaxweynihii hor ee Hirshabeelle Cali C/llaagi Cosoble ayaa guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cusmaan ku tilmaamay isbaariiste weyn oo khabiir ku ah jod-gooyada dadka iyo Gaadidka looga qaato lacagaha.
Cali C/llaahi Cosoble oo ka fal celiyay War kasoo yeeray Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte oo wacad ku maray inaan Gobolka la dhigan karin Isbaaro, ayaa sheegay in dagaalka Alshabaab ee Gobolka Hiiraan uu ka bilowday ‘Isbaaro’, kadib markii Alshabaab isbaaro dhigten meel u dhow isbaaradii Guddoomiye Cali Jeyte u taallay degaanka Kala-beyrka.
”Dagaalkii dhex maray Gudoomiye Cali Jeyte iyo Shabab ee markii dambe gacantiisa ka baxay isuna beddelay Kacdoonka Reer Hiiraan wuxuu asal ahaan ka bilowday markey Shabaab isbaaradiisii taalay Kala beyrka dul dhigeen isbaaro kale”. ayaa uu qoraal falcelin ah ku yiri Cali C/llaahi Cosoble.
Madaxweynihii hore ee Hirshabeellle ayaa ku tilmaamay Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte nin aan ka kaftamin isbaarada oo waeliba ah khabiir fahamsan isbaaro wexey tahay iyo waxey gasho.
“Ogow haddaad isbaaro dhigato Cali Jeyte aa isbaarada ku cariirisay, waxaad ka heshaana leedahay” ayuu ku yiri qoraal Cali Cosoble soo saaray” ayuu qoraalkiisa kusoo gabagabeeyay Cali C/llaahi Cosoble oo baraha bulshada ka abuuray falcelin weyn oo qoraalkiisa laga bixiyay.
Cali Jeyte ayaa magac iyo taageero ku helay dagaalka uu hoggaaminayo Gobolka Hiiraan ee ka dhanka ah Alshabaab, inkasto hab dhaqankiisa siyaasadeed iyo saddexdii jeer uu guddoonka Gobolka Hiiraan qabtay aan xiliigan waxba la iska weydiin.