Fal-celin weyn ayaa ka dhalatay weerarka Alshabaab saaka ku qaadeen magaalada Galcad ee Gobolka Galgaduud, waxaana mas’uuliyiin, siyaasiyiin iyo qeybaha bulshada ay si weyn uga hadleen Geerida Taliye ku xigeenkii ciidamada Danab.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Geerida Gaashaanle Xasan Tuure inay niyad jebin doonin ciidanka xoogga dalka, isagna uu yahay shahiid, wuxuuna qoraal uu soo saaray ku baaqay in loo midoobo dagaalka Alshabaab (Halkan ka Akhriso)
Ra’iisal wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa qoraal uu soo saaray ku bilaabay hambalyo ku saabsan guualah ay gaareen ciidamada dowladda, isagoo aan tacsi dirin, basle soo qaatay aayado, una duceeyay askarta ciidamada dowladda.
“Sidaas darteed guluf walba oo aan ku qaadno Khawaarijta ee aan doonayno inaan dadkeenna iyo dalkeenna kaga xoreyno dhiig-miiratada waa hubaal inaan ku waynayno saaxiibbo, Walaalo iyo shacab badan oo aan jecelnahay, laakiin majirto xoriyad iyo xasilooni lagaari karo ilaa aan yaqiinsanno inaan lumin doono hanti, xoolo iyo dad aan jecelnahay, laakiin mar walba guushu waxay u dambeyn doontaa dadka Eebbe rumeysan وَالْعَاقِبَةُ لِلْمُتَّقِينَ”. Waxaan Rabbi ka baryayaa in uu Shahaadada ka aqbalo una naxariisto halyeeyada katirsan xoogga dalka Soomaaliyeed ee maanta ku shihiiday dagaalka lagu jabiyay cadowga ee ka dhacay Galcad, Galgaduud”.” ayaa ka mid aha qoraalkii Ra’iisal wasaaraha.
Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed ayaa qoraal uu soo saaray, ku soo koobay sida soo socota; “Allah ha u naxariisto Taliye Ku-xigeenkii Ciidamada Danab Gaashaanle Xassan Maxamed Cismaan iyo ciidamada kale ee ku geeriyooday weerarka Galcad. Ciidamada ku dhaawacmay waxaan u rajaynaynaa in Allah SWT uu siiyo caafimaad sariic ah.”
Ra’iisal wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre ayaa tacsidii uu diray kadib, si gaara uga hadlay sarkaalka la dilay iyo tilmaamihiisa: “Gaashaanle Xasan Maxamed Tuurre waxuu ahaa, aqoonyan dhallinyaro ah, geesi ah, naftiisana u hibeeyay ilaalinta nafta, maalka iyo sharafta ummadda Soomaaliyeed, waqti badanna geliyay sidii dalka looga xoreyn lahaa Khawaarijta caadeysatay dhibaateynta shacabka. Waxuu hormuud u ahaa howl-gallada guuleystay ee lagu xoreeyay qeybo ballaaran oo kamid ah deegaannada Hir-shabeelle iyo Galmudug“.
Ra’iisal wasaarihii hore Cumar C/rashiid Cali ayaa isna farriin uu soo diray ku yiri: “Allah u Naxariisto Gashanle Hassan Tuure (Danab) iyo ciidankii kale ee maanta geeryooday. Waxay u shahiideen in ummadda ka Xorreyaan gumaadka Khawaarijta. Allah Isaga iyo intii shihiiday Jannah Fardowsa ka waraabiyo“
Siyaasi ahna xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa tacsi uu diray kadib sheegay in caddowga argagixisada Alshabaab uu hal tab (Xeelad) ku leynayo ciidamadii dowladda, taasoo ah weeraro gaadmi ah oo dhacaya aroortii hore.
“Allaha u naxariisto Gaashaanle Xasan Cismaan Tuure, taliye ku xigeenkii ciidanka Danab, saraakiishii kale iyo ciidankii saakay ku shahiiday weerarkii gaadmada ahaa ee ay argagexisada ku soo qaadeen degaanka Galcad. Xasan wuxuu ahaa geesi aan xabadda ka gaban, laf-dhabarna u ah dagaalka argagexisada, cadawgu tab isku mid ah ayuu ciidankii ku laynayaa”. ayuu yiri Xildhibaan C/raxmaan C/shakuur.
Madaxweynihii hore ee Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa farriintan uga falceliyay weerarka Galcad iyo Geerida Taliye ku xigeenkii Danab. “Ilaaheey ha u naxariisto Taliye Xasan Tuure iyo Ciidankii la geerioday. Waqtigiinii ayaad dhimateen, Meeshii ugu fiicneedne waa ku dhamateen. Ilaaheeyow Khaatumada Noo hagaagi, iyagana u naxariiso. Abaalkii aad Shuhudada u ballan qaadayna Ilaaheeyow ku abaalmari”.
Sidoo kale Xildhibaan iyo Wasiir hore C/laahi Goodax Barre ayaa sidan uga hadlay dagaalka Galcad iy Geerida Gaashaanlaha. “Innaa lillaahi wa innaa ilayhi raajicuun. Waxaan aad uga naxay geerida Alle ha u naxariistee Taliye Kuxigeenkii Ciidanka Kumaandooska Danab Gaashaanle Xassan Maxamed Cismaan “Xasan Tuurre” oo ku shahiiday weerarkii ay saakay argagixisadu ku soo qaatay Degmada Galcad ee Gobolka Galgaduud. Taliyaha wuxuu lafdhabar u ahaa hawlgalladii lagu jabiyay argagixisada ee looga saaray deegaanada Gobolka Hiiraan, Galgaduud iyo Mudug. Wuxuu ahaa nin dhallinyaro ah, aqoonyahan firfircoon, geesi argagixisadu ay aad uga cabsan jirtay maqalkiisa, wuxuu maanta shahiiday isagoo dalkiisa iyo dadkiisa difaacaya”.
Waxaa Baraha bulshada hareeyay tacsida iyo baroordiiqda geerida taliye ku xigeenkii ciidamda Danab ee kumaandooska, iyadoo su’aasha ugu weyn ee taagan ay tahay sida Alshabaab ugu suuragasho inay fuliyeen weerarro isku mida oo si joogto ah u dhacaya, iyadoo aanay jirin mid la fashilyay ma laga hortagay, kuwaasoo ay ku baxeen saraakiil sare.
