Friday, March 28, 2025

Cabdi Raage: “Markaan Kismaayo u dhowaanay ayaa Diyaaradii aan saarnaa lagu amray inay dib u noqoto”

La-taliyaha Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee arri aha Doorashooyinka Cabdi Cali Raagge oo saaka diyaarad uu la socday laga soo celiyey Garoonka Sayid Maxamed Cabdulle ee magaalada Kismaayo ayaa faahfaahin ka bixiyey arrintii ku dhacday.

Wuxuu sheegay inay hore u soo gaareen warar sheegaya inaan loo ogoleyn inuu tago magaalada Kismaayo, balse aanu rumeysan in loo bareeri karo arrintaasi, balse maanta markii uu damcay inuu tago magaalada Kismaayo.

“Kursiga Beesheyda Maqaabul oo aan u tartamayo ayaan isku diyaariyey ololaha doorashada, waxaan saaka u duulnay magaalada Kismaayo, markii diyaaraddu kacday ma ogeyn wax badan, laakiin Diyaaradu markii ay garoonkeeda Kismaayo ku hoobatay ayaa waxaa Duuliyaha soo gaartay inuu amni dartiis dib u laabto, maadaama ay diyaaradda saaran yihiin dad aan laga rabin meesha.. waana ogaanay inaan anigu ahay oo Axmed Madoobe aanu dooneynin inaan Kismaayo tago si aan u tartamo kursiga..” ayuu yiri Cabdi Cali Raage.

Ad

Arrinta maanta ku dhacday ayuu ku sifeeyay arrin saameyn. kuyeelan doonta doorashada oo dhan, wuxuuna yiri: “Xaaladda saaka dhacday oo dadka Somaaliyeed iyo Caalamka aan u sheegayo waa arrintaas la yaabka leh oo dibindabyo iyo db u dhac ku ah Doorashada. Walaac badan ayey beeri doontaa.. siiba Jubbaland, waana arrin hordhac u ah inaysan marnaba doorasho xor ahi ha dhaceynin Kismaayo”.

La-taliyaha Farmaajo oo qeyb ka ahaa khilaafkii dowladda federaalka iyo Axmed Madoobe ayaa ugu baaqay dadka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka inay isha ku hayaan waxa ka socda Kismaayo.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON