Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa ugu baaqay Puntland inay ka dhowrsadaan abaabulka dagaalka iyo shacabka la abaabulayo, isla markaana ilaaliyaan walaaltinimada iyo derisnimada, isagoo si gaara ugu baaqay dadka reer Mudug oo uu sheegay inay walaalo yihiin.
Isagoo magaalada Gaalkacyo kula hadlayay Cutubyo ka tirsan Ciidamada Galmudug ayuu sheegay in Puntland ay ku haboon tahay inay ka gaabsadaan colaadda, “Waxaan rabaa inaan ugu baaqo munaasabadan walaalaheen reer Puntland, siiba reer Mudug inay ka gaabsadaan dayaacadda iyo shacabka la kicinayo oo dagaalka lagu abaabulayo” ayuu yiri madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdi Qeybdiid.
“Waxaan rabaa inaan u sheego hogaanka khaldan ee C/weli Gaas ee la rabo in dagaal dadka lagu geliyo waxaan rabaa walaalaheen weliba reer Mudug oo aan deriska nahay dadkaas inaan dagaal la gelin, inaan dhibaato laga dhex abuurin, Cabdiweli waan aragnay miyirku waa ka tagee idinkuna yaanu idinka tegin, caqlig ha taliyoi wallaanimo ha taliso, deris wanaagu ha taliyo intaas ayaan rabaa inaan ku sagootiyo walaalahey reer Puntland” ayuu yiri Cabdi Qeybdiid oo xilka degaanadiisa ku wareejiyay maamulka cusub ee Galmudug oo uu madaxweynaha ka yahay C/kariin Xuseen Guuleed.
DAAWO SAWIRADA BANDHIGA CIIDANKA:
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-1″]
[ad name=”HTML-6″]