Tuesday, September 10, 2024

Caaalimkii weynaa Sheekh Cali Warsame oo Geeriyooday iyo Mas’uuliyiin Tacsi u diray

Waxaa dalka Jordan ku geeriyooday Allaha u naxariistee caalimkii Sheekh Cali Warsame oo ka mid ahaa culimada Soomaaliyeed.

Sheekha ayaa ka mid ahaa culimadii ugu horeysay ee Salafiga oo Soomaaliya ku faafiyey diinta islaamka iyo fahamka saxda ah ee caqiiqada, wuxuuna ahaa caalim si weyn loo yaqiinay, isagoo sidoo kale ahaa hoggaamiyihii ugu horreeyey ee ururkii Al-Itixaad oo la aasaasay horraantii 1980-kii.

Sheekh Cali Warsame waxaa lagu xasuustaa inuu si toos ah uga horyimid dagaalladii ugu horeeyey ee uu galay ururkii Al-itixaad, siiba deegaanno ka tirsan Puntland iyo gobolka Jubbada Hoose. bilowgii dagaaladii sokeeye, wuxuuna ahaa Sheekh xaqa caddeeya.

Ad

Sheekha oo muddo dheer ku jiray dacwada iyo fidinta diinta ayaa cambaareeyay falalka dilalka iyo qaraxayada ee Al-shabaab, wuxuuna si toos ah ula dooday una caqli celiyey amiirkii hore ee Alshabaab asaasay Abu Zubeyr.

Sanadihii ugu dambeeyay wuxuu xubin ka ahaa ururka Al-ictisaam Bil Kitaab Wal Sunna oo ah ururka dhaxlay Al-Itixaad, ayna ka farcameen kooxaha Alshabaab iyo Xisbul Islaam.

Wuxuu ku dhashay degaanka Ceynaba ee Gobolka Togdheer, isagoo halkaasi ku noolaa muddo dheer, waxaaa la sheegay inuu xanuunsanaa waqtiyadii ugu danbeeyay iyadoo da’diisu ay ku dhoweyd 90 sano jir.

- Advertisement -

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa tacsi u diray qoyska iyo eheladda uu ka geeriyooday Sheekh Cali Warsame. Waxaa kaloo tacsi u diray madaxda dowladda Soomaaliya iyo culimada waaweyn ee dalka.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON