Monday, March 24, 2025

C/weli Muudey oo joojiyey kulankii Baarlamaanka ee Berri & Farriimo kala duwan oo loo diray xildhibaannada

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee  Baarlamaanka Soomaaliya C/weli Ibraahim Muudey ayaa joojiyey kulan la filayay inuu Berri isugu yimaado Baarlamaanka Soomaaliya.

Farriin uu sii-hayaha guddoomiyaha Baarlamaanka Mudane Muudey u kala diray xildhibaannada ayuu ugu sheegay inuusan jirin wax shir ah oo Baarlamaanku yeelanayo ilaa amar danbe, waxayna arrintaasi ka danbeysay markii xogheynta Baarlamaanka ee raacsan Jawaari ay direen farriin ay xildhibaannada ku wargeliyeen inay soo xaadiraan shirka Berri oo khudbad uu ka jeedin doono guddoomiyaha is casilay ee Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari).

Kulanka loo qabanayo khudbad jeedinta Guddoomiyihii hore Mudane Jawaari ayaa la sheegay inaan lagala tashan Guddoomiye ku xigeenka koowaad oo hadda noqday sii-haye, waxayna wararku sheegayaan in wadahadal lagula jiro C/weli Muudey si uu kulanka Berri u qabsoomo.

Ad

Image may contain: text


Image may contain: text

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON