Saturday, April 19, 2025

C/weli Gaas oo talo u diray Madaxweyne Farmaajo. “Shido aad gacmahaada ku falkiso adigey kugu soo laabaneysaa..”

Madaxweynihii hore ee Puntland, horena u soo noqday Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya C/weli Gaas ayaa talo u jeediyey Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Wuxuu sheegay in nidaamka dowladnimo uu yahay inaan shido (dhibaato) la abuurin oo haddii ay jirto la yareeyo, haddii ay yar tahayna la baabi’iyo, laakiin haddii dhibaato cusub la abuuro ay dib ugu laabaneyso madaxda xilka heysa.

C/weli Gaas ayaa sheegay inay madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud ay mudan yihiin ixtiraam iyo qof waliba uu dhowro oo aysan ahayn in meel looga dhaco, wuxuuna madaxda xilka heysa u sheegay inay abuurin shido iyaga dib ugu laaban doonta.

Ad

“Waan k xumahay waxa dhacay maanta, horena u dhacay.. madaxweynayaashii hore waxay qof kasta oo Soomaali ah ka mudan yihiin xushmad iyo qadarin.. waqti aday ayey wadanka usoo shaqeeyeen.. Wadanka haddii shido jirto waa la yareeyaa.. haddii ay yar tahayna waa la baabi’iyaa, laakiin maalin waliba in shido cusub la abuuro oon hore u jirin oo aad gacmahaada ku falkisaa adiga ayey dhib kugu keeneysaa.. dalka iyo adigana dhib bay ku keeneysaa..” ayuu yiri C/weli Gaas oo farriintiisu ahayd talo ku socotay madaxweynaha Soomaaliya.

Arrintan ayaa soo baxday kadib markii dowladda federaalka ay Qash-qashaad kula kacday diyaaradii siday madaxweynayaashii hore ee shalay ka degtay magaalada Beledweyne, iyadoo markaas kadib uu Shariif Sheekh Axmed soo saaray hanjabaad uu ku sheegay inay iska saari doonaan madaxda hadda xilka heysa haddii ay dulmiga joojin waayaan.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON