Friday, December 1, 2023

C/raxman C/shakuur oo Qoraal talo- culus xambaarsan u diray Siciid Deni

-

- Advertisement -

TALO SAAXIIBTINIMO OO KU SOCOTA MADAXWEYNE SACIID CABDULLAAHI DENI

Saciid Saaxiib Farriintaan waxaan kuugu soo diray in aan kula wadaago tallo aan is iri saaxibkaa ha ka bakhiilin. Waxaan is naqaan 30 sano oo aan hawlo kala duwan oo nolosha khuseeya si dadban iyo si toos ahba uga wada shaqaynay.

Waxaan qirsanahay in aad fikir, dhaqaale iyo dadaal diblomaasiyadeed intaba aad ku bixisay ka hortagga damacii muddo kororsiga xukun ee madaxweynihii hore, Maxamad C/llaahi Farmaajo. Doodda ah in lagaa abaal dhacay adiga iyo reer Puntland oo uusan Madaxweyne Xasan mirihii halgankaas sidii la rabay idinku lisin waa mid garawshiyo laga bixin karo, inkasta oo uu Madaxweyne Xasan igula dooday in uusan isagu eed ku lahayn arrinkaas, intii karaankiisa ahna uu isku dayey in uu xalliyo, laakiin ay dhankaada ka socon wayday.

Saaxib Saciid

- Advertisement -

Waxaan kaaga cudur daaranayaa in hadallada sadarrada hoose ku qoran ay qaraar yihiin oo aysan dhegahaadu jeclaysan doonin, laakiin waa dabiici in ruuxii doonaya in uu qof madax run sheego uu jidkaa qaado. Way caddahay in aad is haysaan oo meel fog kala gaarteen hormoodka (elite) ka siyaasadeed ee Puntland. Waana muuqataa in dooddoodu kaaga taageero badan tahay qaybaha kale ee bulshada sida; salaadiinta dhaqanka, culumada, ganacsatada iyo qaybaha kale ee bulshada rayadka ah.

Waa dabiici in siyaasiyiintu kula diriraan haddii aad labadii sad siyaasadeed ee Gobol iyo Federaalba aad adigu isku jimaysay oo aadan waxba hanbayn.

Adigoo Madaxweynihii Puntland ah ayaad doonatay kursigii Madaxweynaha Federaalka. Sidii aad doonto ayaad ula soo baxday xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka ah, si ay codka kuu siiyaan, waxaad daaqadda ka saartay dhammaan intii aad is lahayd waxay caqabad ku noqon karaan hankaaga siyaasadeed.

Markii doorashadii lagaaga guulaystana waxaad doonatay kursiga Ra’iisul Wasaaraha, haddii aad heli waysana waxaad tiri mar kale ayaan Puntland ku soo laabanayaa.

Saaxiib Saciid

Adiga iyo siyaasiyiin kale oo aan ka mid ahay siyaasaddeenu ma ahayn mid shacbi ah oo caadifada iyo xamaaska shacabka lala ciyaaro. Sidaas Waxaan u leeyahay waxaan arkaa in aad isteerinka halkaa u weecisay.

Dhammaadkii sanadkii 2008, xilligii uu wada hadalka Jabuuti ee u dhexeeyey dawladdii ku meel gaarka ahayd iyo Is-bahaysigii dib u xoraynta soo idlaaday oo Sheekh Shariif Madaxweynaha loo doortay, waxaad ka mid ahayd dadkii sigay xilka Ra’iisul Wasaaraha dalka, waxaad haysatay taageerada dawladda Jabuuti, Madaxweynihii Puntland ee xilligaa Senator C/raxmaan Faroole, inta badan ganacsatadii dalka ugu tunka waynaa, gaar ahaan kuwooda Muqdisho.

- Advertisement -

Sheekh Shariif wuu go’aansaday in uu ku magacaabo, laakiin duruufo kale ayaa u diiday. Taageeradaas waxaad ku kasbatay waxqabadkii iyo xiriirkaadii bulshada.

Dhallinyaradii, siyaasiyiintii iyo waxgaradkii kale ee Puntland kugu dhisay, waxay kugu taageersanayeen filasho ay ka qabeen, wax tarkaadii bulsho. Xiligaas waxaad ahayd nin ay hormuudku (elite) wadaan, laakiin maanta intiii shalay kuu heelanayd midna kama haysid. Dawladdii Jabuuti, Farole, siyaasiyiintii iyo ganacsatadii ku taageerayey xiligaa. Waxaad kaloo gacan ku haynin kuwii aad shalay halgankii dhowaa soo wada gasheen ee reer Puntalnd iyo qayrkoodba.

Waxaan isku eegay siduu u camirnaa kulankii waynihii Heritage ee Garaawe lagu qabtay labo sano ka hor iyo dadkii isugu yimid iyo kulan bandhig buug ah oo aad kaligaa dhex taagnayd.

Saaxiib Saciid

Waxaa ku horyaalla in aad dib u dhugato safarkaadii siyaasadeed oo aad si degan waaqaca u eegto, taasina waxay ku dhici kartaa in aad hesho dad ku gala dhiiran kara xaqiiqada, kaaga run sheegi kara waaqaca.

Waxay taladaydu tahay in aadan bil seddax ah ku guurin oo dad aan kuu furi doonin ayan kuu rarin. Haddii waxa aad isku hallanayso ay yihiin awood iyo maquunin ku cashar qaado isku daygii raadkiisu qoyan yahay ee Maxamad Farmaajo uu isku aadsaday ciidankii aad magacyadooda bahallada ah ka yaabtay ee Gorgor, Haramcad, Duufaan iyo Danab waxna u teri waayeen.

- Advertisement -

Soomaaliya hal mar ayey weligeed yeelatay ciidan xirfad leh oo daacad (loyal) u ah dawladda, waana xilligii dawladdii rayadka ahayd, waxaana laga dhaxlay burbur ciidan iyo mid dawlad, maalinkaa ka dibna lama arag ciidan dawlad daacad u ah.

Been ma sheegayaasha iyo taageerayaasha baraha bulshada muddo ayey ku durbaan tumi karaan, laakiin ma soo ciidmi karaan markii runta iyo waaqaca la iskula gudbo, adigaana iiga marqaati ah oo Farmaajo ayey wax tari lahaayeen.

Cajab adduunyo waxaa noogu filan in Maxamad Farmaajo uu hubanti la’aan iyo xasillooni dari siyaasadeed naga wacdiyo, Saciid Denina uu leeyahay cid loo joojinayo ma jirto.

Walaalow is deji oo taariikhda dib u eeg, taaganta ku hortaalana si fiican u deris, si aad tilmaan sax ah uga hesho timaadada.

Hoggaamiye waa kii fogaan arag leh oo dhaxal reeb ka taga, waa kii wax isaga la qurxoon dhan kale ka istaaga ee sida abwaan Gaariye sheegay qaraarka u liqa danta guud darteed.

“Adoo wax ka gaws qabsaday
Marbaa gafka loo liqaa
Inaan danta guud murkacan”.

Saaxiib Saciid

Reer Puntland wax badan baad u qabatay, iyaguna kula qabteen, dhigaalka rasumaal siyaasadeed ee aad iyaga iyo Soomaali ka soo raadsan doonto, waxaa go’aaminaya sida aad maanta ula dhaqanto.

0Igana qor, Soomaali xeelad, sasab iyo walaalow xukun waa looga heli karaa, laakiin weli lama hayo in xoog iyo maquunis looga qaatay. Hal mar ayey dhacday, waxayna sababtay in dawladdii ay ku duntay, isku day kasta oo taas ka danbeeyana fashal ayuu ku dhammaaday.

Waxaan si saaxiibtinimo leh kuugu soo jeedinayaa in aad talada inta badan raacdo inta aad tabarta hayso.

Mahadsanid

W/Q: Saaxibkaa Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

- Advertisement -

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Yuhuudda oo Dib u bilowday Duqeynta Marinka Gaza iyo Gantaallaha Xamaas oo gaaray..

Duqeyn iyo dagaallo culus ayaa dib uga bilowday Marinka Gaza ee Reer Falastiin, kadib markii ay dhammaatay xabbad joojintii socotay toddobaadka.Diyaaradaha dagaalka Yuhuudda ayaa...

Dowladda Somaliya oo la wareegtay Markabkii Gargaarka ee Madaxweynaha Ruushka

Dowladda Soomaaliya Soomaaliya ayaa Ruushka kala wareegtay Markab Gargaar Qamadi ah loogu talo galay dadka Soomaaliyeed ee ay saameeyeen Daadka iyo Roobabka.Shixnadda Qamadiga oo...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Taliye cusub u magacaabay Ciidamada Badda iyo xil ka qaadis..

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxwaynaha Soomaaliya ayaa lagu magacaabay Taliyaha cusub ee Ciidanka Badda & Difaaca Xeebaha Soomaaliya.Taliyaha cusub waxaa loo magacaabay Admiral...

Abaalmarinta Agaasimaha Nadaafada iyo Bilicda G/Banaadir, xilli Muqdisho Biyo kala xireen

Abaalmarin lacageed ayuu guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir guddoonsiiyay mas'uuliyiin uu ka mid yahay Agaasimaha Nadaafadda iyo Bilic soo celinta Caasimadda, xilli wadooyinka Muqdisho u...

Yusuf Garaad oo ka hadlay Dhibaato culus oo ka jirta Garoonka Diyaaradaha Muqdisho

Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar ayaa qoraal uu soo saaray uga hadlay xaalad adag oo ka jirta Gegida dayaaradaha Aden...

Dood ka dhalatay kulankii MD. Xasan Sheekh iyo Xubno lagu sheegay Bulshada Rayidka

Dood culus ayaa ka dhalatay kulan ay faafisay Madaxtooyada Soomaaliya oo ay ku sheegtay inuu dhex maray Madaxweynaha iyo Horumuud Bulshada rayidka Soomaaliyeed.Qoraalka Mdaxtooyada...

Xildhibaanno ka horjeeda Madaxweyne Xasan Sheekh oo Kutlad uga dhawaaqay Muqdisho

Xildhibaanno ka tirsan Golaha shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee ka horjeeda madaxweyne Xasan Sheekh iyo Qorhihiisa wax ka bedelka Dastuurka ayaa maanta caasimadda Muqdisho...

XOGAHA QARSOON

Xasan Sheekh oo Garoonka Muqdisho kula kulmay Saraakiisha Mareykanka Ee AFRICOM

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde kulan kula qaatay sii-hayaha Safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya A.I Shane Dixon iy Taliyaha ciidmaada...

Xog laga helay kulan Qarsoodi ah oo Turkiga ku dhex maray Sh. Shariif iyo Farmaajo

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa kulan magaalada Ankara ee dalka Turkiga ku dhex maray madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Shariif...

Taliye Caan ahaa oo lagu la’ yahay Dagaalkii Cows-weyne iyo Xaaladii…

Ehelka Sarkaal Sare oo ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa sheegay inay la' yihiin Taliye ciidamada ka mid ahaa ciidaadii ku sugnaa aagga...

Dowladda Somaliya Shirkad Shiinees ah u kordhisay Heshiis Kalluumeysi oo mugi ku jiray

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa heshiis shatio Kalluumeysi u cusbooneysiisay shirkad dalka China ka socota oo hore dowladii hore ay u siisay shatiyo kalluumeysi oo...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you