Wednesday, March 19, 2025

C/raxman C/Shakuur oo ku baaqay in ‘Kacdoon’ Shacab lagu kiciyo Madaxweyne Xasan Sheekh

Xildhibaan C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa weerar ku qaaday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud isagoo ku eedeeyay Musuqmaasuq, Qaraanbo-kiil iyo bixinta Dhulka Qaranka.

C/raxmaan C/shakuur ayaa ku baaqay in awood shacab (Kacdoon) looga hor yimaado Madaxweyanaha, isla markaana magacyadooda la shaaciyo ganacsatada iyo siyaasiyiinta uu shirkadda kula yahay boobka hantida qaranka, sida uu yiri.

“Danyarta shacabka ah ee maanta guryahoodii laga barakiciyey, iyo maytadii toddobaadyo ka hor xabaalaha laga soo fagaay amar Madaxweyne ayey ku dhaceen. Amarkiisa ayaa dhul dowladdu leedahay ganacsato looga iibiyey, siyaasiyiin iyo Xildhibaanno lagu laalushay. Ma jiro xeer loo cuskanayo ama sharci loo raacayo bixinta dhulka, barakicinta shacabka iyo faagidda qubuuraha. Ma jiro garsoor madaxbannaan oo amar maxkamad ku joojin kara go’aanka Madaxweyanah, mana jiro Baarlamaan la xisaabtami kara xukuumadda”. ayuu yiri Xildhibaan C/raxmaan C/shakuur oo weerarkii ugu weynaa ku qaaday Madaxweynaha.

Ad

Isagoo ka hadlayay sida maanta ciidamada dowladda ay dadkii shacabka ahaa ee deganaa xeradii Dab-damiska uga rarreen ayuu caddeeyay in dhulka hantida qaran laga iibiyo, lana siiyo ama laga kireeyo ciddii Madaxweynaha la shirko ah, taageersan, ama qaraabo la ah, isagoo soo jeediyay in lagu dhaqaaqo tallaabooyinka soo socda:

1- Awood shacab iyo abaabul dadwayne oo lagu hor istaago

2- In la magacaabo, lana canbaareeyo ganacsatada, siyaasiyiinta iyo Xildhibaannada shuraakada kula ah dulmiga iyo boobka hantida.

- Advertisement -

3- In la isku diyaariyo markii muddo xileedkiisa dhammaado, burinta go’aannadii sharci-darrada ahaa ee hantida qaranka lagu bixiyey.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON