Friday, May 23, 2025

C/raxman C/shakuur: “Waxay ahayd in loo aargudo Eng. Yariisow ee ma ahayn in tacsi & Baroordiiq..”

Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa ka hor yimid qaabka ay Dowladda Somalia u maamuustay Geerida Guddoomiyihii Gobolka Banaadir oo u dhintay qarax is-miidaamin ah oo ka dhacay Xarunta Gobolka Banaadir.

“Tacsi baroordiiq waxaa loo sameeyaa ruuxii si dabiici ah u geeriyooda. Allaha u naxariistee Eng Yarisow cadow ayaa dilay ee si dabiici ah uma dhiman. Waxay ahayd in aan muujino in cadow uu haldoorkeedii laayey . Diinteena Islaamka ahi ma dhiirogeliso tacsi, janaaso iyo baroordiiq loo sameeyo dadka gacanta cadawga ku shahiida. sababtuna waa in cadawga loo muujin catow iyo dabacsanaan, dadkana aan dhiiga shuhadada wax iska caadi ah looga dhigin…” ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur oo naqdiyey Duco iyo baroordiiq maanta loo sameeyay marxuum Yariisow.

Wuxuu soo jeediyey inay habooneyn in loo aargudo E,g Yariisow isagoo yiri: “Waxay ahayd in Eng Yarisow iyo saaxibadii kale ee lala dilay loo aargudo, maantana ay noqoto maalin dhiilo iyo abaabul. Waxay ahayad in Eng Yarisow guutooyinka ciidanka difaaca ku jira loogu magac daro, hogaanka dawladana uu furimaha dagaalka joogo, waxay ahayd in cadaalada la horkeeno kuwii abaabulay fududeeyey, falkana gaystay, laakiin midkood na ma dhicin. Weli waa nala hodayaa, cadawga ayaana na loo garba duubayaa inta dilka Eng Yarisow geeri dabiici ah loo ekeysiinayo..”.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON