Siyaasi iyo Xildhibaan C/raxman C/hakuur ayaa si kulul u cambaareeyay hab-dhaqanka Siyaasadeed ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud isagoo soo bandhigay Musuqa, Sharci darrada iyo ku taki falka awoodda ee dowladda Xasan Sheekh.
Xildhibaanka oo goor dhoweyd Shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu jaabka gashaday Baarlamaankii dalka, isla markaana uu sharci la’aan ku taageeray inay iska sii joogaan xilka, iyadoo musuqa uu gaaray in hantidii qaranka la boobo oo la isugu faano.
“Waxaa soo baxday dhalinyarro yaryar oo ilaha dhaqaalaha jooga oo isugu faanaya hantidii qaranka ee la boobay, meeqa guri ayaad Xamar ku leedahay, meeqa ayaad Nairobi iyo Istanbul ka dhisatay..?” ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur.
C/raxmaan C/shakuur ayaa kula taliyay inuu mudadda xilka uga hartay uu dalka daba qabto, soo dhiso xukuumad cusub oo tayo leh, Doorashana laga qabto Dowlad Goboleedyada, dalkana talo mideyn ka yeesho qaabka Doorashada lagu gelayo.
“Dowladdu waxay ku jirtaa sanadkii saddexaad.. Dadka u dhow Madaxweynaha iyo Wasiirada waxay kuu sheegayaan in Dowladii ay noqotay shirkad yar oo in kooban oo Ehel iyo Qaraabo ah ay ka taliyaan..” ayuu yiri Xildhibaan C/raxmaan C/shakuur oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu taariikh ka tago oo dalka badbaadiyo mudadda u hartay.
AW waxa uu sidoo kale sheegay in Madaxweynuhu Safar ka bixi la’ yahay Baarlamankiina uu Jeebka Madaxtooyada galay.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayuu sheegay in uu kula heshiiyay Maamul Goboleedyada in ay iska sii joogaan oo aan Doorasho Xiligan la qaban
HOOS KA DAAWO SHIRKA JARAA’ID