Tallo Ku Aaddan Go’aannadii Kasoo Baxay Shirkii Golaha Wadatashiga.
Mudane Madaxweyne
Muddo kororsigu wuxuu ka mid yahay afar aafo siyaasaddeed oo halis ku ah dowlad dhiska curdanka ah ee dalkeenna. Seddaxda kale waa in ciidanka loo adeegsado siyaasadda, la xiro saaxada siyaasadda, lana beddelo nidaamka siyaasaddeed ee dalka.
Sababtuna waa in afartaaba ay astaan u yihiin kali-talisnimo iyo xukun isku koobid duminaya tiirarka taagta darran ee ay ku taagan tahay dowladnimada dalkeenna.
Heshiiska Golaha Wadatashiga Qaran (GWQ) uu gaaray ee ah in shacabka awoodda loo celiyo oo doorasho qof iyo cod ah dalka laga qabto waa tallo wanaagsan, waafaqsanna dastuurka dalka, laakiin habraacyada iyo hannaanka lagu hirgelinayo ee uu Goluhu soo saaray waxay baalmarsan yihiin qoddobka 47-aad ee dastuurka dalka ee dhigaya in Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah uu leeyahay awoodda dejinta shuruucda la xariirta xisbiyada, iyo doorashooyinka heerka dowladda federaalka ah.
Wuxuu kaloo Goluhu muddo kordhin u sameeyey dowlad Goboleedyada iyo dow- ladda federaalka ah, taaso jebinaysa dastuurka federaalka ah iyo kan dowlad Goboleedka intaba.
Mudane Madaxweyne
Nidaamka Baarlamaaniga wuxuu ku dhisan yahay heshiisyadii iyo shirwaynihii lagu yagleelay dowladnimada Soomaaliya ee shirkii Carta, Mbgathi, iyo heshiiyadii looga baxay ku meel gaarka, in la beddelo nidaamka Baarlamaaniga ah, loona guuro nidaamka madaxtooyadda waa go’aan u baahan tallo siyaasaddeed iyo taageero bulsho oo ka guda wayn Golaha Wadatashiga, waxa ayna u baahan tahay afti dastuur iyo cod dadwayne, waddamada kala guurkaas ku guulaystay ee uu Turkiga ugu dan- beeyey marinkaas ayey mareen.
Soomaaliya 1960-69 kii waxay soo tijaabisay nidaamka Baarlamaaniga ah, halka 1969-kii ilaa iyo 1990 uu xukunka dalka ahaa nidaamka madaxtooyada oo madax- weyne iyo ku xigeennadiisa ah. Sanadkii 1987 ayaa Maxamed Cali Samatar (AUN), oo ka mid ahaa madaxweyne ku xigeennada loo magacaabay Ra’iisul Wasaare, kadibna dalkii dushooda ayuu ku dumay.
Waxaan taas kala jeeda; xasilloonida siyaasaddeed iyo dardargelinta habsami u socodka dowladnimadeenna kuma xirna nidaamka siyaasaddeed ee dalka ee waxay ku xiran tahay sida dastuurka iyo sharciga loo ilaaliyo iyo sida isku dheellitiranka awooddaha siyaasaddeed u dhaqan galo.
Maraykanka oo lagu tilmaamo dalalka ugu fiican ee nidaamka madaxtooyadda (Pres- idential) wuxuu dastuurkiisa awood xoog leh oo dheellitiraysa tan madaxweynaha siinayaa labada aqal ee sharci dejinta, Sidaad ogtahay xilkasta uu Madaxweynuhu magacaabayo, ama go’aan kasta oo muhiim ah uu qaadanayo ansixin kaga helaa labada aqal ama midkood sida magacaabista xilalka wasiirrada, taliyayaasha ciidanka, sirdoonka iyo safiirrada IWM oo uu ansixin uga baahan yahay aqalka odayaasha, halka miisaaniyadda, dagaal qaadista, heshiisyada caalamiga ah, adeega guud ee dadwaynaha, IWM uu ansixinta labada aqal helaa.
Markasta labada aqal iyo Madaxweynaha way isku dhegan yihiin, kalama dhamaadaan. Waa tan haatan toddobaadyo la isku horfadhiyo dayn qaadashada dawlada federaalka ah oo dowladiiba halis ugu jirto in ay isxirto.
Mudane Madaxweyne
Ma xuma in reerka la raro, laakiin rarka sahan ayaa ka horreeya, haddiise sahan la’aan la guurayo su’aashu waxay tahay yaa geediga raraya, xageese lagu furayaa? Teeda kale maxaa dhacaya haddii ragga sheegay in ay reerka rarayaan ay noo furi wayaan? Oo bisha Juun ee 2024 doorashooyinkii Golayaasha deegaanka la qaban waayo?, isla-markaana December 2024 doorashooyinkii Baarlamaanka dawlad goboleedka iyo Madaxweynayaasha dhici waayaan?. Ma muddo kororsi kale ayey aadayaan? Mise maadaama ay fashilmeen xilka way banaynayaan?
Sida muuqata rag muddo xiloodkoodii 4 ta sano ahaa gabaabsi yahay, maalinna aan tillaabo u qaadin doorasho qof iyo cod ah, miyuu shacabku ka fishaa in ay sanad gudi- hiis dalka ku xorreeyaan, doorasho qof iyo cod ahna ku qabtaan.
Madaxweyne tanni waa muddo kororsi la iskugu hoosaasinayo doorasho qof iyo cod ah, waa tii aan horay uga soo diidnay Maxamad C/laahi Farmaajo, waa tan reer Punt- land Saciid C/laahi Deni ka diiddan yihiin, weliba isagoo doorashooyinkii Golayaasha Deegaanka qabtay.
Mudane Madaxweyne
Heshiiska waxaa ka muuqata in loo dejiyey Bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya oo keli ah, sababtoo ah go’aannada la gaaray waxaa ka mid ah; in labada xisbi ee codad- ka ugu badan ka hela doorashooyinka Golayaasha Deegaannada ay noqonayaan labada Xisbi ee xukunka dalka ku tartamaya. Puntland doorashooyinkii Golayaasha deegaanka way ka qabsoobeen, miiska lagu wada hadlayana way ka maqan tahay, sow macnaheeda maaha waa koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ayaa tashaday.
Adigaa iga og, xanuunkeedana toos ula falgalay, dareemi karana in dowladda Soomaaliya aysan lahayn gobonnimo buuxda (Sovereignty), sababtoo ah awoodda xukun ee dalka gacanteeda kuma jiro, xudduudaha dalka ee bad, beri iyo cir lehna ma ilaaliso, miisaaniyaddeeda 75% ajnabi ayaa kaba, safar kasta oo aad dibad u aaddo waa mid baryo, sababtoo ah dadkeena 30% waa barakacayaal, ku dhowaad 30% horay ayey dalka uga qaxeen, 70% waa shaqo la’aan, ku nool in ka yar doolar.
Taasi waa in ay nagu bixisaa in aad tawaaducdo, talladana dhexda dhigto. Tawaaduca laga rabo hoggaamiyahana waa in uu xadka tabartiisa ogyahay, tallo ku nool taagtiisa tillaabsada yahay, qaladkiisana garawsada.
Haddaba, nidaamka siyaasadeed ee uu dalku qaadanayo, hannaanka doorashooyin- ka, wada xaajioodka la xariira qaybsiga, qoondaynta iyo isticmaalka awooddaha, dakhliga iyo khayraadka dalka waxay ka mid yihiin umuuraha lafdhabarka u ah dowlad dhiska dalka. Sidaas awgeed GWQ jihaynta doodda wuu yeellan karaa, laakiin go’aannada kaligood ma gaari karaan, sababtoo ah xilka iyo saamaynta bulshada isma surna.
Mudane Madaxweyne
Xilku afarta sano laguu doortay wuxuu leeyahay xili aad tabar, rasumaal siyaasadeed iyo awood mooral leedahay waana xiliga aad tallada ugu baahi badan tahay. Laakiin mar haddii tabarta, rasumaalka siyaasaga ah iyo wooda mooral ay daciifaan way adkaan doontaa in aad waxqabato.
Tallooyinkan kooban ayaan kugu darsanayaa:-
1-Sida aad haatan yeeshayba xoogga isugu geey dagaalka ka dhanka ah argagex- isadda Al-shabaabb iyo xorraynta dalka, iskana ilaali wax kasta oo jidkaas kaa weecin kara.
2- Isugu yeer shirwayne qaran oo ay ka soo qayb galaan qaybaha kala duwan ee bul- shada sida siyaasiyiinta, aqoonyahanka, bulshada rayadka, culimada, ganacsatada, dhallinyarada, haweenka iyo madaxdii hore ee dalka, ajandah shirkuna ha noqdo sidii dalka Al-Shabaab looga xorreyn lahaa, halka geediga loo rarayo oo ay ugu horrayso sida ugu habboon ee doorashooyinka dadban looga guuri karo, dadwaynahana awoodda loogu celin karo.
3- Tallooyinka shirka ka soo baxa waa in labada gole ee Baarlamaanka ay sharciyo iyo xeerar ku soo saaraan, kadibna dadwaynaha Soomaaliyeed si wadajir ah looga raadiyo taageero.
4- Dib ugu soo celi dawlad Goboleedka Puntland Madasha Wadashiga, kalana xaajoo tabashadii sharci iyo maangal ah ee ay qabaan, haddii ay Puntland tiraahdo nala kama tegi karo, Federaalkuna yiraahdo loo joojin maayo, labaduba waa awood shee- gad danta Soomaaliyeed iyo dowladdeeda jilicsanba aysan ku jirin
5- Muddo kordhin meeshaba ka saar, kuna adkayso in doorashooyinka dowlad goboleedyada xilligooda ku dhacaan. Muddo kordhinta labada aqal ee baarlamaanka federaalka iyo Madaxweynaha haloo daayo guddiga dib u eegista dastuurka, shacab- kana u cadeey in dhaqan galkeedu uu ka billaabanayo muddo xileedka kan xiga.
6-Gudagal dhismaha Maxkamaddii dastuuriga ahayd ee dalka.
Mahadsanid
W/Q: Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame