Monday, March 24, 2025

C/raxman C/shakur oo kashifay heshiis ay galeen Musharixiinta mucaaradka ee la tartamay Farmaajo

Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame oo ka mid aha musahrixiinta u atartamay xilka Madaxweynaha Soomaaliya 2022 ayaa kashifay heshiis ay hore u gaareen musharixiinta Midowga Musharixiinta ee fadhigoodu aha Hotel Jazeera.

Isagoo la hadlayey taageerayaashiisa, kadib doorashadii uu kusoo baxay Xasan Sheekh ayaa kashifay in ololaha doorashada ay galeen uu ahaa mid aan ku saleysneyn qabiil, balse uu jiray heshiis ay galeen Musharixiinta Midowga oo ahaa in Musharaxa ugu codka bata la wada taageero.

“Heshiiskeenu wuxuu ahaa qofkii naga mida ee tartanka ku hormara in la taageero, taasaa keentay in Xasan Sheekh Maxamuud la taageero, sidaas ayuu heshiisu ahaa..” ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur.

Ad

C/raxmaan C/shakuur waxaa uu caddeeyay in heshiiskaas hore u ukeenay in Xasan Sheekh ay codadka ugu shubaan, ayna taageereen, isaga Sheekh Shariif, Siciid Deni iyo Xasan Kheyre.

Wuxuu dalbday inuu Madaxweynaha cusub fuliyo wixii ay u taagnaayeen mucaarad ahaan, qeybna ka wada noqdaan dowladda intii guusha ku lahayd oo la dhiso dowlad midnimo qaran, ayna arrintu noqon koox guuleysatay.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON