Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa ka gaabsaday dood weyn ka dhalatay inuu lumiyey kursiga xildhibaannimo ee Baarlamaanka Federaaka, kadib markii uu aqbalay xilka ergeyga Madaxweynaha Soomaaliya ee gurmadka Abaaraha.
Qoraal uu saacado kadib soo qoray, kadib dood hareysay baraha bulshada ayuu ugu mahad celiyay dadka farriimaha dhiirragelinta u o diray, oo ay ugu horreeyaan madaxweynayaasha Dawlad Goboleedyada Puntland, Jubbaland, Koonfur Galbeed, xildhibaannada, siyaasiyiinta, asxaabta, taageerayaasha, iyo safiirrada beesha caalamka, sida uu yiri.
“Sida uu sheegay Madaxweyne Xasan Sheekh mas’uuliyadda uu maanta ii igmaday waa mid samafal iyo tadawuc ah, waqti cayimana leh oo loogu badbaadinayo shacabka Soomaaliyeed ee ay abaaruhu wax yeelleeyeen. Madaxweyne Xasan wuu ku mahadsan yahay inuu mudnaan siiyo gurmadka abaaraha, iguna aamino hawshaas culayska leh” ayuu qoraalkiisa ku yiri C/raxmaan C/shakuur oo u muuqda inuu fasirayo xilka loo magacaabay.
Dhinaca kale xildhibaan hore Maxamed Cuma Dalxa ayaa sheegay inaysan caddeyn waxa uu qaban doono Ergeyga cusub ee C/raxmaan C/shakuur xilli ay jiraan Guddi madax bannaan oo abaaraha qaabilsan, Guddi kale oo Baarlamaan iyo Wasaaradii gargaarka, iyadoo aan la caddeyn shaqada uu qabanayo.
Madaxweynihii hore Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa hore ergey u qaabilsan Badda Cas u magacaabay wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Yuusuf Garaad Cumar.