Wednesday, May 14, 2025

C/raxmaan Yariisow oo iska wareejiyey xilkii Wasaaradda Warfaafinta, 2 maalmood kadibna la wareegaya…

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Warfaafinta ee Xukuumadda Soomaaliya Eng, Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa maanta xilka ku wareejiyay Mudane Cabdiraxmaan Iidaan Yoonis oo ah Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta kadib munaasabad kooban oo lagu qabtay xarunta Wasaaradda Warfaafinta.

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Warfaafinta C/raxmaan Cumar Cismaan ayaa uga mahadceliyay howlwadeenada Wasaaradda sidii ay gacan ugu siiyeen gudashada xilka loo dhiibay, waxaana uu ka codsaday inay shaqada halkaas ka sii wadaan, uu xilka ku wareejiyay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta C/raxmaan Iidaan Yoonis oo si rasmi ah ula wareegay sii-heynta Xilka Wasiirka Warfaafinta ayaa uga mahadceliyay Wasiirkii hore mudadii ay wada shaqeynayeen, waxaana uu Alle uga baryay in uu u fududeeyo xilka cusub ee loo magacaabay ee ah Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna duqa Muqdisho.

Ad

C/raxmaan Yariisow ayaa lagu wadaa inuu Talaadadda la wareego xilka Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo dhowaan loo magacaabay, kadib markii xilka laga qaaday Guddoomiyihii hore Taabit Cabdi Axmed.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON