Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha Dowladii Xasan Sheekh oo ka mida saxiibada ugu dhow madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xildhibaan C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa) ayaa la filayaa inuu ku0 dhawaaqo Musharaxnimadiisa xilka Madaxweynaha Galmudug.
Musharaxan C/raxmaa Odowaa ayaa ka mida xisbiga UPD ee uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore ee Xasan Sheekh, isla markaana Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka ayaa ololihiisa doorashada soo hor mariyey, waxaana uu noqonayaa musharixii ugu horeeyay ee shaaciya inuu u taagan yahay xilka Madaxweynaha Galmudug, iyadoo xaflad lagu shaacin doono musharaxnimadiisa ay ka dhaceyso maanta magaalda Muqdisho.
Taageerayaasha Musharax xildhibaan Odowaa ayaa baraha bulshada ka bilaabay ololaha doorashada aan weli la ogeyn xilliga ay dhici doonto, iyadoo la filayo inuu noqdo musharax culus oo xilkaasi kula tartami doona musharaxa ay wadato xukuumadda Soomaaliya iyo kooxda N&N.