Saturday, January 25, 2025

C/raxmaan Odowaa oo mar kale kusoo baxay Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka

Waxaa maanta magaalada Gaalkacyo ka dhacday doorashada kursi ka tirsan Golaha shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Kursigan oo tirsigiisu yahay HOP069 waxaa hore ugu fadhiyey C/raxmaan Maxamed Xuseen Odowaa, waxaana uu mar kale kusoo laabtay kursigan, kadib markii uu tartanka ka haray musharixii la tartami lahaa Wasiir ku xigeenka Warfaafinta C/raxmaan Yuusuf Al-cadaalla.

Arrintan ayaa C/raxmaan Odowaa u suuragelisay inuu heystay taageerada odayaasha beesha, waxaana la tartami lahaa musharax uu la yimid oo lagu magacaabo Maxamed Ahmed Xoosh, kaasoo ka haray tartanka, kadibna cod gacantaag ah ay ergada ku siisay kalsoonida Craxmaan Odowa oo ka mid noqday Baarlamaanka 11-aad.

Ad

“Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa) ayaa ku guuleysatay kursiga tirsigiisu yahay HOP#069 ee golaha shacabka BJFS oo doorashadiisu maanta ka qabsoontay magaalada Gaalkacyo. Musharax Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen ayaa ku guuleystay 97 cod oo ah kooramka ergada fadhisay” ayaa lagu yiri war uu soo saaray Guddiga SIET Galmudug.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON