Guddiga Doorashooyinka Maamulka Somaliland ayaa ku dhawaaqay natiijada Doorahadii guud ee 13-kii bishan Novembar 2024 ka dhacday degaanada Somaliland.
Guddiga ayaa shaaciyay in musharraxa madaxweyne ee xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro uu ku guulaystay Doorashadii Madaxweynaha Somailand oo uu noqon doono Madaxweyaha Somaliland 5-ta sano ee soo socota.
Natiijada ay shaaciyeen guddiga doorashooyinka Somaliland ayuu C/raxmaan Cirro oo ka tirsan Xisbiga Waddani helay codad gaaraya 63.92%, isagoo ku ku guulaystay xilka Madaxweynaha.
Muuse Biixi Cabdi oo musharax u ahaa Xisbiga Kulmiye ayaa helay codad gaaraya 34.81 boqolkiiba codadkii la dhiibtay. Sidoo kale Faysal Cali Waraabe oo musharrax u ahaa Xisbiga UCID ayaa isna ka helay codadkii la dhiibtay 0.74 boqolkiiba.
Dhinaca kale tartankii ururada siyaasadda iyo xisbiyada waxaa ka soo baxay saddexda Xisbi ee kala ah: Waddani, Kulmiye iyo Kaah oo noqon doona Xisbiyada Qaran Somaliland, iyadoo uu haray xisbigii UCID ee Feysal Cali Waraabe.
Marka laga soo tago ururada siyaasadda ee doorashada ku haray, waxaana isna meesha ka baxay Xisbigii Ucid oo muddo ka jiray Somaliland, halka ay soo noqdeen labadii Xisbi ee Ucid uu saddaxda ku ahaan jiray waa Waddani iyo Kulmiye, iyadoo booskii Xisbiga Faysal Cali Waraabe uu hadda galay Kaah oo uu hoggaamiyo siyaasiga caanka ah ee Maxamuud Xaashi.