Saacadihii ugu danbeeyay maanta 22 Novembar 2021 waxaa baraha bulshada ka socday weerar iyo weerar celis ku saabsan kaalinta Ra’iisal wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta ee xaladda dalka iyo fashilka arrimihii uu ballan qaaday.
Arrintan waxa qarxiyey Musharaxa xilka madaxweynaha C/raxmaan C/shakuur Warsame oo qoraal uu soo saaray ku eedeeyay Maxamed Xuseen Rooble inuusan waxba ba qaban saddex arrimood oo uu ballanqaaday.
“Raysalwasaare Rooble waxaa lagu aaminnay, isaguna ballan qaaday in uu qabanayo doorashado xalaal ah, wuxuu shacabka u ballanqaaday in uu kiiska Ikraan Tahliil caddaalad u raadinayo. Wuxuu guddi u saaray dhallinyaradii Eritrea loo qaaday, waalidkoodna aysan war iyo wacaal ka helin. Doorashadii waa taas iyadoo odayaashii iyo ergadiiba la aqoon musharraxiintii isdiiwaan gelinayaan. Raggii eedda Ikraan loo haystay waa taa la beri yeelay, wiilashii Soomaaliyeed ee Eretrea ku maqanna warkooda iska daa” ayuu qoraalkiisa ku yiri C/axmaan C/shakuur.
Wuxuu isbedelka Rooble sabab uga dhigay faragelin ka timid dalka Qatar, isgoo yiri: “Waxaan oo idil waxey dhaceen, kaddib safarkii shakiga dhaliyey ee uu Raysalwasaaruhu dalka Qatar ku tegey. Waxaan kaloo ogeyn in RW Rooble uu qayb ka yahay qorshaha AMISOM dalka looga saarayo. In uu ogyahay terminal khaaska ee Garoonka Aadan Cade ku yaalla ee ay diyaaradaha gaar ah ee Qatar iyo Eretrea ka yimaada ka soo degaan. Ujeedka ugu danbeeyana uu yahay in Al-Shabaab dalka loo gacan geliyo. Mar kale ayaa masiirka dalka iyo majaraha dowlad dhiska la habaabin rabaa”
Daqiiqado kadib waxaa jawaab culus soo diray musharaxa kale ee C/kariin Xuseen Guuleed oo ku dooday in Rooble ay mas’uuliyadda doorashada la wadaagaan maamul Goboleedyada, iyadana ay tahay in loo raacdo.
Waxaa sidoo kale jawaab kale bixiyey gacan-yaraha Rooble, ahna wasiir ku xigeenka Warfafinta xukuumada xilgaarsiinta C/raxmaan Al-cadaala oo jawaabtiisa ay ka mid ahaayeen: “Waa nasiib-darro in dadka qaar isku dayaan in ay dedaalka Raysalwasaaraha u isticmaalaan hub ay ku weeraraan dad kale haddii ay taasi awoodi waayaanna isku dayaan in ay suurad xumeeyaan Raysalwasaaraha”.
Xildhibaan Mahad Salaad ayaa isna si adag u difaacay Ra’iisal wasaare Rooble, isagoo yiri: “Haddaba waxaa inla isweydiiyo mudan sababta Rooble loo xagxaganayo oo indhaha looga qarsanayo maamulada iyo siyaasiinta doorasho diidka ah ee ilaa hada lagu kari la’yahay halla bilaabo doorashadii Golaha Shacabka?!”.

