Friday, March 28, 2025

C/raxmaan C/shakuur oo Weerar ku qaaday Dowladda Turkiga, kuna eedeeyay Laba-wejiilenimo [Akhri Sababta]

Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa si weyn u cambaareeyay dowladda Turkiga, isagoo sheegay inay tahay dowlad laba-wejiilenimo ku dhaqanta, marka ay timaado xuquuqda Insaanka.

Arrintan ayuu sabab uga dhigay in Taliyaha Ciidamada gaarka ah ee Booliska Turkiga uu dhowaan Muqdisho soo gaaray uu qaabilay taliyaha ciidamada Booliska Gobolka Banadir Saadaq Cumar Xasan (John), isla markaana uu guddoonsiiyey bilad, kasoo uu sheegay inuu gurigiisa weeraray kuna dilay 5 qof.

“Dowlada Turkiga waxay ka cabaneysaa dilka Saxafiga Jamal Kashoqgi, laakiin waxay abaal marineysaa gacan-ku-dhiiglaha weeraray Gurigeyga oo ku laayey shan qof oo ilaaladeyda ah, sin xunna u aasay.., Maxay laba-wajiileyaal yihiin??” ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur oo qoraal ku weeraray dowladda Turkiga, soona qaatay sawirka taliyaha Turkiga iyo Saadaq John.

Ad

Booqashada Taliyaha ciidamada gaarka ah ee Booliska Turkiga Mr. Selami Türker ku yimid Muqdisho  ayaa dhacday 18-20-kii bishan, wuxuuna qaabilay oo bilado is weydaarsadeen Wasiirka Amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale, Taliyaha Booliska Bashiir Cabdi Maxamed, taliye ku xigeenka booliska Zakia Xuseen iyo Taliyaha Booliska G/Banaadir.

- Advertisement -

 

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON