Saturday, March 22, 2025

C/raxmaan C/shakuur oo weerar Afka ah ku qaaday Xildhibaanno uu rabo Codadkooda

Musharax Madaxweyne Xildhibaan C/raxman C/shakuur Warsame ayaa khudbadii musharaxnimada xilka madaxweynaha maanta ka jeediyey xarunta Afisyoone ee Muqdisho.

Wuxuu soo bandhigay qorshihiisa siyaasdeed ee uu doonayo inuu dalka ku hoggaamiyo haddii loo doorto xilka madaxweynaha Soomaaliya, isagoo si adag ula hadlay xildhibaannada, isla markaana dhaliilay sida lagu soo saaray.

Musharax C/raxmaan C/shakuur ayaa gabagabadii khdubadiisa ku weeerarray xildhibaannada uu codka ka doonayo, isagoo sheegay inuu tartanka galay isagoo og, sida lagu soo saaray iyo inay jeebka ku wataan musharixiin tartanka ku jira.

Ad

“Anagoo og in xildhibaannada lasoo magacaabay oo dad soo magacaabeen oo aysan tartan ku imaan, jeebabkana ay ku wataan Dad tartamaya ayaan ogolaanay inaan tartano” ayuu yiri Mushrax C/raxmaan C/shakuur oo xildhibannada u sheegay inaysan duruuftii ay kusoo baxeen eegin ee ay damiirkooda raacaan.

Waa hadalkii ugu adkaa ee Mushrax u jeediyo xildhibaannada labada Aqal oo 15-ka bishan 2022 lagu wado inay ka dhacdo Muqdisho.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON