Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa wax aan maangal ahayn ku tilmaamay in Ikraan Tahliil oo in ka badan labo bil la waysanaa ay Hay’adda NISA maanta Al-Shabaab u saariso.
“Al-Shabaab dad dila ama qarxiya waa la arkay, laakiin horay uma dhic in Al-Shabaab saraakiil nabadsugid ah ka dhex qafaashaan xarumaha dowladda. Waxaase yaab leh in NISA aysan ka warqabin afduubka Ikraan, laakiin ay dilkeeda ogtahay. Tani waxay caddeyn u tahay wadashaqaynta hay’adda Nabadsugida iyo Al-Shabaab” ayuu yiri C/raxman C/shakuur oo si toos ah weerar ugu qaaday Hay’adda NISA.
Wuxuu sheegay in arrintan ay digniin culus u tahay inaysan jirin cid ka badqabta inay gacanta Al-Shabaab gasho ama xarumaha Dowladda loogu yimaado, wuxuuna Ra’iisal wasaare Rooble u jeediyey inuu qaado afar tallaab oo uu wax uga qabanayo kiiska Ikraan Tahliil Faarax.
“Maadaama uu masuuliyada dalka, gaar ahaan Amniga uu masuul ka yahay, caawa indhaha Soomaalida oo dhami waxay ku jeedaan tillaabada uu qaado Raysal wasaare Rooble. Waxaan u soo jeedinayaa:
1- In uu la fariisto, jawaab u qalanta siiyo waalidka Ikraam Tahliil.
2- In uu badbaadiyo kalsoonida iyo aaminka lagu qabo Hay’adda Nabadsugidda.
3- Si taas u dhacdana waa in uu xilka ka qaado taliyaha Nabadsugidda, lana baaro kaalinta uu arrinkaan ku lahaa, lana xannibo dhaqdhaqaaqiisa inta uu baaritaanka socdo.
4- In Baaritaanka uu sameeyo guddi khubaro oo si toos ah xafiiska RW u hoos taga, si maalinle ahna ugu warbixiya.Allaha u naxariisto Ikraam, ehelkeedana sabar iyo iimaan Allaha ka siiyo. Waan la damqaneynaa ehelka Ikraan”
