Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa ka digey in xog ay dhowaanahan Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya ka ururineysay shaqaalaha iyo saraakiisah ciidamada ay u gudubto Alshabaab.
Qoraal qeylo-dhaan xambaarsan ayuu ku sheegay in xogtaas u gudubtay Alshabaab, isagoo soo xigtay taliye ku xigeenkii hore ee Hay’adda NISA Mudane Cabdalla Cabdalla oo sheegay in guryohooda loogu tegey saraakiil NISA ka tirsan, laakiin xilligaa ka maqnaa hoygooda, sida uu yiri.
“Xubno ka tirsan shaqaalaha rayidka ah iyo saraakiisha ciidanka ii xaqiijiyeen in Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) ay bilihii la soo dhaafay ku hawlanayd ururinta xogta shaqaalaha dowladda iyo saraakiisha ciidanka. Waxay qof walba ka qaadayeen magaciisa, magaca labadiisa waalid, sawirkiisa, muuqaal hoyga uu degganyahay ah, saaxibbadiis, taariikhdiisa nololeed, dadka ehelkiisa ah IWM… Haddii xogta ku saabsan shaqaalaha rayidka ah iyo saraakiisha ciidanka si wadashaqeyn ah loogu gudbiyey Al-shabaab iyo haddii ay si kale ku heleenba waa halis amniga Qaranka dalka soo food saartay…” ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur.
Siyaasiga ayaa ugu baaqay xildhibaannada inay arrinkaas baaritaan ku sameeyaan. C/raxmaan C/shakur ayaa muddo badan ku doodayey in NISA ay wadashaqeyn kala dhaxeyso Alshabaab, isagoo aan wax ccaddeyn ah u keenin.
Taliye ku xigeenkii hore ee NISA ayaan intii xilka laga qaaday ee darajadii laga xayuubiyey wuxuu dibadda ka bilaabay weerar uu ku hayo hoggaanka NISA oo dagaal shaqsiyadeed uu kala dhaxeeyo, waxaase la ogyahay in wixii ka danbeeyay Qaraxii xarunta Gobolka Banaadir ay Hay’adda NISA bilowday diiwaangelinta iyo hubinta shaqaalaha dowladda oo mid waliba kafiil laga rabo.