Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan Arrimaha Gurmadka Abaaraha, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa Qurbe-joogta Soomaalida ee dalka Canada ugu baaqay in taageeraan dagaalka lagu jiro Alshabaab.
Isagoo Jaaliyadda Soomaalida ee Canada ku hadlay magaalada Toronto ayuu u sheegay in loo dhigto la-xisaabtanka Madaxweyne Xasan Sheekh ee hadda ay tahay in loo midoobo, lana taageero kacdoonka dagaal ee ka dhanka Al-Shabaab oo lagu bixiyo xoog iyo xoolo wixii la hayo.
“Dagaalka Shabaab, waa inaad ku taageertiin cod, dhaqaale iyo suugaan, oo la sharfo dadka ku dhintay dagaalka… Xasan Sheekh wax kasta ayaan ku kala duwanahay, laakiin Alshabaab ma la dagaalamayaa, taas ayaa sax ah, xisaabta Xasan waa danbeysaa, Argagixisada ha la iska celiyo. Haddii ay naga adkaadaan Alshabaab waxaa na sugeysa inaan sidii dadkii Afghanistan Diyaarado ku cararno..” ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur.
C/raxmaan C/shakuur ayaa Waqooyiga America ka wada olole taagheero loogu raadinayo Dadka abaaraha saameeyeen ee Soomaaliya, wuxuuna ku daray ololaha dagaalka lagula jiro Alshabaab.
