Wasiirkii Amniga Jubbaland ee ka baxsaday dowladda Soomaaliya C/rashiid Xasan Nuur (Janan) ayaa ka hadlay arrimo badan oo ku saabsan xarigiisa, isagoo ballanqaaday inuu dadka la wadaagi doono wixii mudadda shanta bilood lagu heystay iyo sidii loola dhaqmay.
Muuqaal uu oo duubay ayuu C/rashiid ku sheegay in xarigiisu uu ahaa mid siyaasadeed ee aanu jirin dembi loo heystay, isagoo caddeyn u soo qaaday inuu Muqdisho tegay 27-kii Bishii June 2019, iyadoo garoonka Muqdisho ay kusoo dhoweeyeen xildhibanno iyo wasiiro muddo ka badan 10 maalmoodna uu deganaa xarunta Hay’adda NISA xiiligaasoo uu laba jeer la kulmay Madaxweyne Farmaajo oo ay ka wadahadleen arrimo ku saabsan xaaladda Jubbaland iyo Doorashadeeda.
Wuxuu C/rashiid Janan isweydiiyay dembiga uu galay intii u dhaxeysay July iyo Ogost 2019 ee looga qabtay Garoonka Muqdisho 31kii Ogost, wuxuuna caddeeyay in arrintiisa ay ku lug lahayd inaysan ku qanacsaneyn dowladda doorashadii ka dhacday Jubbaland ee Axmed Madoobe.
Wuxuu sheegay in mudaddii shanta bilood ahayd ee uu. xirnaa aan marna la geyn xarun dowladeed oo marba la geynayay guryo ku yaalla degmada Heliwaa oo meelo halis ah ku yaalla, wuxuuna intaas ku daray in kiiskiisa ay gacanta ku hayeen Agaasimaha NISA Fahad Yaasiin, C/llaahi Kulane oo NISA ka mida, uuna wax ka ogaa taliyaha Booliska G/banaadir Saadaq Joon, isagoo ku dooday inuusan kiiskiisa waxba kala socon Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre.
35 maalmood kadib markii uu xirnaa ayuu sheegay in Maxkamadda G/banaadir la geeyay, laguna soo oogay denbi ay hore u baabi’isay isla maxkamadaasi, loona diiday qareen ay dad ehel ah u qabteen inuu u doodo.
Wuxuu ballanqaaday inuu faahfaahin ka bixin doono sidii loola dhaqmayey muddadii la heystay iyo wixii dhex maray isaga iyo madaxweyne Farmaajo markii uu Muqdisho dowladda martida ugu ahaa.
WARBIXIN: Maxaa ku qarsoonaa Xariga Wasiir C/rashiid Janan? (Qorshihii fashilmay ee Doorashada Jubbaland)