Monday, October 2, 2023

C/naasir Seeraar: “Axmed Madoobe adigaa ka jawaabi doona wixii dhacay, albaab Naar ah ayaad furtay…”

Afhayeenkii hore ee Maamulka Jubbaland, haddana ah musharax u taagan xilka madaxweynaha maamulkaasi C/Naasir Seeraar Maax ayaa si kulul u weerarray madaxweynaha maamulkaasi Axmed Maxamed Islaam Madoobe, kadib iska hor imaad garoonka diyaaradaha Kismaayo ku dhex maray ciidamo taabcsan musharaxa iyo ciidamada Garoonka maamulka Axmed Madoobe.

C/Naasir Seeraar ayaa sheegay in Axmed Madoobe uu Jubbaland God ku ridayo sida uu yiri kuna furayo Albaab Naar ah, wuxuuna ku goodiyey in ciidamada Axmed Madoobe uu dhigay garoonka diyaaradaha aysan baari karin Boorsadiisa, laakiin ay ahayd inuu Axmed Madoobe naftiisa isku dayo inuu baaro.

“Axmedow adiga ayaa ka jawaabi doona wixii maanta ka dhacay Garoonka Kismaayo.. Jubbaland albaab naar ah ayaa ku furmay, edebdarrada laga bilaabay Garoonka Kismaayo ilaa aan ogaano cidda ka dambeysa kama hari doono…” ayuu yiri C/naasir Seeraar oo magaalada Kismaayo ka hadlay kadib shilkii ku qabsaday Garoonka magaalada oo afar ka mida ciidamada ay ku dhaawacmeen.

Ad

Wuxuu ugu baaqay ciidamada inay dhexdhexaad ka noqdaan musharixiinta iyo siyaasadda oo aanu adeegsan nidaamka Axmed Madoobe oo ku fashilmay hoggaanka iyo isku heynta ciidamada maamulkaasi, sida uu yiri, wuxuuna intaas ku daray inaysan Kismaayo ka dhici doonin doorasho uu Axmed Madoobe keligii ciyaarayo.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,984FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,984FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON

error: Content is protected !!