Thursday, March 20, 2025

C/maalik Coldoon oo ka hadlay Xogta Xabsi 2 Sano ah oo uu dhammeystay iyo Faahfaahin

C/maalik Muuse Coldoon oo ah weriye iyo samafale muddo 2 sano ah u xirnaa maamulka Somaliland ayaa maanta xabsiga laga sii daayey, isagoo ka hadlay sababta loo xiray iyo sii deyntiisa.

Coldoon ayaa sheegay in loo kaliya loo xiray inuu ka digay Mac-hadalka Abaarso oo uu ku baaqay in lala socdo waxa ka socda, una baahan tahay in la hubiyo dhaqaalaha ay bixinayaan dadka Gaalada ah ee Mac-hadkaasi wada, balse uu u jawaabay Madaxweynaha Somaliland.

19-kii Ogost 2021 ayuu sheegay in laga soo xiray Burco, lana geeyay Xabsiga Mandheera, loona jeediyey eedo ah inuu ceebeeyay, been abuurna ka sheegay Dugsiyada Abaarso, iyadoo marag ahaan u keenay Waalidiin lagu sheegay dhibane iy marago, lana soo bandhigay muuqaalkii uu baahiyay.

Ad

“Anigu waxaan caddeyn ka dhigtay Aayadaha Qur’aanka Kariimka ee caddeynaya in gaallada aysan muslimiinta la rabin wanaag iyo inaysan Gaallada joojineynin dagaalka ilaa ay ka saaraan islaamka..” ayuu yiri C/maalik Coldoon.

Wuxuu kaloo sheegay inuu soo bandhigay nin falalka Qowmu-luudka sameeya oo Mareykan ah oo dhex galay Ardayda Dugsiga Abaarso iyo haweeney Baadariyad ah oo ka mid ahayd Macalinnimada oo Somaliland sheegtay in loogu diray arrimo Diimeed, balse ay Maxkamadii soo saartay xukun ah inaan denbi lahayn oo la sii daayo, taasoo aan al fulin, kadibna isagoo xiran dib loogu celiyay xabsigii. kadibna 3 Bilood kadib loo bilaabay maxkamad cusub iyo rafcaan, sidaasina loogu xukunay 2 sano oo xarig ah.

C/maailk COldoon wuxuu sheegay inuusan Rafcaan qaadan, wax rajo ahna ka qabin cadaalad, isla markaana uu go’aansaday inuu xabsiga dhammeysto, iskana bixiyo Ganaaaxa lacageed, maantana uu sidaas kusoo baxay.

- Advertisement -

“Xariga waxaa iiga darran kitaabka la igu xukumay oo ah Xeerka Ciqaabta oo aan Alle soo dejin. Garsooraha waxaan ku iri Kitaabka Alle igu xukun..” ayuu yiri C/maalik Coldoon oo u muuqday inuu kusii adkaadatay dhinaca Diinta.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON