Taliyihii hore ee Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka C/llaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) ayaa ka hadlay qaab dhismeedka dowladda Somalia, isagoo sheegay inaan waxba la qarin oo la caddeeyo qaabka siyaasadda maanta ku dhisan tahay.
Isagoo la weydiiyay hadallo qabyaalad ka muuqatay oo uu ka jeediyey xaflad ka dhacay Muqdisho ayuu sheegay in dowladnimada Somalia u dhisan ay tahay mid qabyaaladeed, jago waliba ay tahay mid ku saleysan qabyaalad, madaxweyne iyo xildhiban, laguna fadhiyo 4.5 qof walibana qabiil ku soo galo, xilkana loo raadsado qaab qabiil, isla markaasina aysan habooneyn in runta la qariyo/
“Dowladnimada hadda noo dhisan qaabka ay ku dhisan tahay waxaan nahay dad qabiileysan oo qabyaaladeysan anigu ma sameyn 4.5 mar ayaan noqday xildhibaan, inta kale waa la i magcaabayey,.. meesha waxaa lagu fadhiyaa Digil/Mirifle, Daarood, Dir, Hawiye iyo beesha shanaad.. aniga beesheyda Cali Madaxweyne ayaan xildhibaan u noqday heerkaas ayaana la i geeyay oo jufadeydii ayaa i dooratay…” ayuu yiri C/llaahi Sanbaloolshe oo abtirsi siyaasadeed soo bandhigay.
Sanbaloolshe ayaa ku dooday wixii uu sheegay inay ahayd taariikh, laga soo bilaabo markii la riday dowladii Maxamed Siyaad Barre, wuxuuna intaas ku daray in jabhadihii kacay ay ahaayeen qabiil, wax muran ahna aanu ka jirin.
“Siyaasadda Soomaaliyeed intay afar arrimood taagan yahay, madax banaanida AMISOM ilaalineyso, Somaliland maqan tahay, Shabaab dalka heysto 4.5 inta uu jiro waxaan rabaa nin Hawiye ah inuu fadhiyo madaxtooyda..” ayuu yiri Sanbaloolshe oo wareysi siiyey Telefishanka Dalsan ee Muqdisho.
HOOS KA DAAWO