Wednesday, February 12, 2025

C/llaahi Kulane: “Imaaraadka wuxuu hubeynayaa Calooshood u shaqeystayaal Somali ah..”

Xildhibaan C/llaahi Aaden Kulane ayaa ku baaqay in Baarlamaanka Soomaaliya ka hortago qorshaha Imaaraadka Carabta ka wado Soomaaliya oo uu sheegay inuu ku hubeynayo Maleeshiyooyin ka amar qaata iyo Calooshooda u shaqeystayaal.

“Howlaha gurracan ee Imaaraadku ka wadaan Soomaaliya ee aan xakamaynta lahayn waxay keenaysaa inay ka geystaan wadanka wixii ay ka gaysteen dalalka Yemen, Liibiya iyo Sudan oo ay hadda hurinayaan, taas oo ina dhaxalsiinaysa rajo la’aan. Si loo joojiyo falalka bahalnimada ah iyo danaha gurracan ee Imaaraatka Carabta ay ka wadaan Soomaaliya, waa in Baarlamaanka Soomaaliya uu tallaabo ka qaado”. ayuu yiri Xildhibaan Kulane Jiis oo qoraal soo saaray.

Xildhibaanka oo ka mid ahaa Gacan-yareyaashii madaxweynihii hore Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo saraakiishii Sare ee Hay’adda NISA ayaa soo jeediyay in meesha laga saaro heshiisyada Jaziiradaha Koyama iyo Chovaye, Dekadaha iyo dhammaan heshiisyada ciidan ee Imaaraadka lala galay.

Ad

“Waa ka hortagno hubaynta maleeshiyaad iyo calooshood u shaqeystayaasha ay ka samaynayaan dalka. DFS waa in ay wax walba ka hormarisaa Qaranimada iyo Madaxbanaanida Soomaaliya, kana fogaataa in Imaaraatka Carabta ay si aan gabasho lahayn u galaan Sirdoonka iyo Taliska Ciidanka. Dowladda imaaraatku waa inaysan ka gudbin xayndaabka shuruucda calaamiga ah” ayuu ku yiri qoraalkiisa.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON