Iyadoo ay iska soo daba dhacayaan siyaasiyiinta kala duwan ee ka hor timid hadallo kasoo yeeray Taliyihii hore ee Hay’adda Nabadsugidda Somalia C/llaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo ku saabsanaa in qof kasoo jeeda Beesha Hawiye ay tahay inuu Madaxtooyada Somalia ka taloyo xilligan ayaa waxaa jawaab kale soo diray madaxweynihii hore ee Galmudug. soona noqday wasiirka Amniga xukuumadda Somalia C/kariin Xuseen Guuleed.
Qoraal jawaab u ah Sanbaloolshe ayuu C/kariin Guuleed ku sheegay in muwaadiniinta oo dhan u siman yihiin, xaqna u leeyihiin qabashada xilalka dalka, isla markaana aysan jirin cid gaara oo xaq gaara leh, wuxuuna ku baaqay inaan la kala fogeyn umadda oo laga dhowrsado wixii dadka kala irdheyn kara, dibna u celinaya geediga loogu jiro dhismaha dowladnimada.
“Waxaan shaki ku jirin in qabyaaladdu ay ahayd waxa qeybta weyn ka qaatay burburkii dowladnimada iyo kala fogaashaha bulshadeena, umadda Soomaaliyeedna mudadii la soo dhaafay ay guluf ugu jirtay dib u dhiska dowladooda iyo soo celin kalsoonidii u dhaxeysay. Sida dastuurka ku meel gaarka ku qeexanna muwaadiniinta oo idin si siman ayey xaq ugu leeyihiin qabashada xilalka dalka, mana jirto cid gaar ah oo ayada xaq gaar ah leh.
Haddaba waxaa haboon inaan umadda la kala fogeynin lagana dhowrsado waxii dadka irdho dhex dhigi kara, dibna u celinaya geedi socodka dowlad dhisidda…” ayuu qoraalkiisa ku yiri C/kariin Guuleed.
Waxaa sidoo kale warka kasoo yeeray C/llaahi Sanbaloolshe ka hor yimid madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud oo sheegay in fekerkaasi uu ku gaar yahay isaga oo aanu ku metelin Xisbiga UPD.