Monday, February 10, 2025

C/kariin Guuleed oo kusoo noqday Dowladda Xasan Sheekh, xilka loo magacaabay

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Wasiirkii hore ee Amniga iyo Madaxweynihii hore ee Galmudug u magacaabay xil cusub.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa u magacaabay Siyaasiga Cabdikariim Xuseen Guuleed inuu noqdo Ergayga u qaabilsan Arrimaha Somaliland, iyadoo Dowlada Federaalka ay sheegtay inay ka go’an tahay xaqiijinta midnimada iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed.

“Mudane Cabdikariim Xuseen guuleed ayaa khibrad wanaagsan u leh arrimaha dib u heshiisiinta, xallinta khilaafaadka iyo marxaladihii kala duwanaa oo ay soo mareen wadahadallada Dowlad Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland”.” ayaa lagu yiri wareegtada Madaxweynaha.

Ad

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa si degdega u faray Ergayga cusub inuu diiradda saaro sidii loo ambaqaadi lahaa wadahadallada Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland, isagoo qaadanayaa doorkiisa hoggaamineed ee ku saleysan xal u helidda caqabadaha ku gedaaman wadahallada.

C/kariin Guuleed ayaa hore uga mid ahaa saaxiibada Madaxweyne Xasan Sheekh, wuxuuna soo nqoday Wasiirka Amniga gudaha iyo Madaxweynaha Galmudug, balse khilaaf xoog leh ayaa u dhaxeeyay mudo dheer, ilaa markii danbe doorahadii 2022 uu la heshiiyay, una ololeeyay dib u doorashadii Xasan Sheekh.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON