Madaxweynihii hore ee Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed oo dhowaan siyaasadda ku soo laabtay ayaa sheegay inay jiraan kulamo qarsoodi ah oo madaxda Dowladda Federaalka gorgortan ka gelayaan Kiiska Badda ee Kenya iyo Somalia.
Qoraal uu diray C/kariin Guuleed oo hore u noqday wasiirka Amniga Soomaaliya ayuu ku kashifay jiritaanka kulamo qarsoodi ah oo madaxda dowladda Federaalka ku doonayaan inay wahadal ka galaan Dacwadda badda ee Soomaaliya iyo Kenya, taasoo uu ka digay inay ku dhiiradaan waanwaan laga galo taako ka mida dhulka Soomaaliyeed.
“Waxaa jiro xogo isa soo taraya oo tibaaxaya in madaxda dowladda dhexe ee Soomaaliya ay wadaan kulamo qarsoodi ah oo ay ku doonayaan inay gorqortan iyo wadahadal ka galaan qadiyadda badda ee nagala dhaxeysa dowladda aan deriska nahay ee Kenya, qadiyadaaso ah qadiyad qarameed iyo mid umadeed hortaalna Maxkamadda Cadaaladda Aduunka, Hadda waxaan mas,uuliinta dowladda ugu baaqeynaa ogana digeynaa in wax gorgortan iyo wadahadal ah ay ka galaan taako ka mid ah gayiga iyo dhulka Soomaaliyeed..” ayuu yiri C/kariin Xuseen Guuleed.
Arrintan ayaa soo baxday iyadoo safiirka Mareykan u fadhiya Kenya uu sheegay inuu Mareykanku wado waanwaan ka baxsan Maxkamadda caalamiga ah oo lagu dhammeeyo arrinta badda ee Somalia iyo Kenya, sidoo kalena Ra’iisal wasaare uu booqasho ku tegay dalka Qadar oo ka mida dalalka wada dhexdhexaadinta Somalia iyo Kenya.