Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa la ogaaday inuu si gaara u neceb yahay dadka Soomaalida ah, isla markaana xilligii ugu horeeyay ee uu xilka qabtay uu amar ku bixiyey inaan loo ogolaan dadka Soomaalida ah inay qaxooti ahaan ku galaan Mareykanka.
Sida lagu qoray Buugga lagu magacaabo “Border Wars” Madaxweyne Trump wuxuu Soomaalida ka aaminsanaa inay halis ku yihiin Mareykanka. wuxuuna kulan gaara oo dhex maray xoghayaha arrimaha gudaha Mareykanka Elaine Duke ku weydiiyay sababta Soomaalida qashinka ah looga celin waayey inay soo galaan dalka Mareykanka.
Trump ayaa markaas kadib soo saaray wareegtadiisii uu dalka Mareykanka uga joojiyey inay soo galaan 8 dal oo ay Soomaaliya ka mid tahay, waxaana qoraalka buugga ku cad in Madaxweyne Trump uu si gaara u neceb yahay dadka Soomaalida.
Xilligii ololaha doorashada uu ku jiray Trump ayuu marar badan weerarray Soomaalida Mareykanka, isagoo sheegay inay dembiilayaal halis ah ka buuxaan oo halis ku ah amniga Mareykanka, wuxuuna si gaara u weerarray haweeneyda Soomaalida ee kamid noqotay Koongareeska Ilhaan Cumar.
Buuggan “Border Wars” ayaa waxaa qoray qorayaasha ka tirsan wargeyska New York Times ee kala ah: Julie Hirschfeld Davis iyo Michael D. Shear, waxaana iib loo fasixi doonaa dhowaan.