Qasaaraha uu dhaliyay dagaalka ‘Duufaanta Aqsaa’ ee Xarakada Xamaas ku qaaday Israel ayaa sii kordhaya, kadib saacadooo dagaalkaasi socday.
Dagaalyahannada Garabka milateri ee Xamaas -Cisadiin Alqassaam ayaa weerar gaadmo ah oo lama filaan ah ku qaaday Gudaha Isreal, taasoo keentay in ciidamada Yuhuudda uu khalkhal weyn ku dhaco.
Kumanaan gantaalo oo ku dhacay magaalooyinka Isreal, waxaa kaloo dagaalyahannada Xamaas iyo kooxaha kale ee Falastiin ay qabsadeen Saldhigyada waaweyn ee Ciidamada iyo degaanada la dejiyay Yuhuudda ee ku xeeran Gaza.
Ku dhowaad 300 askar iyo shacab isugu jira ayey qiratay Yuhuudda in looga dilay weerarka socda, halka in ka badan 1100 ka badan lagu dhaawacay, waxaana sii kordhaya Qasaaraha. Sidoo kale Xamaas ayaa qabsatay Maxaabiis fara badan oo isugu jira askar iyo dad caadi ah.
Diyaaradaha dagaalka ee Yuhuudda ayaa ku jawaabay weeraro culus oo ay ku qaadeen marinka Gaza, waxaana ay burburiyeen Daaraha waaweyn ee magaalada Gaza. Tirada dadka ku dhintay Gaza ayaa gaaray 232 iyo dhaawaca 1600 qof.
Ra’iisal wasaaraha Yuhuudda Benyamin Netanyahu ayaa ku hanjabay inuu dhulka ku dari doono Marinka Gaza, wuxuuna dadka ku nool ugu baaqay inay ka baxaan degaannadaasi, isagoo ballan qaaday inuu dagaal aanay waxba la harin ku qaadi doonaan Gaza.