Kooxaha Muqaawamada reer Falastiin ayaa in ka badan boqol Gantaal caawa ku weerarray magaalooyinka kaabiga ku haya Marinka Gaza, iyadoo xiisad colaadeed ay ka taagan tahay Marinka Gaza.
Arrintan ayaa ka dambeysay howlgal ciidamada gaarka ah ee Israa’iil ka fuliyeen degaanka Khan Yoonis ee Marinka Gaza, iyadoo halkaasi ku dilay sarkaal sare oo kooxda Xamaas ka tirsan, taasoo keentay dagaal dhex maray ciidamada Yuhuudda iyo maleeshiyada Xamaas oo lagu dilay Korneylkii hoggaamineyay Ciidamada Yuhuudda.
Kooxaha reer Falastiin ee hubeysan ayaa weerarkaasi ka jawaabay weerarka lagu dilay sarkaalka sare ee Xamaas Nur Baraka, waxayna caawa in ka badan 200 gantaal ku weerarreen magaaalooyinka Yuhuudu heysato ee ku dhow Marinka Gaza.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in qof Israa’iili ah ku dhintay, 50 qof oo kalena ay ku dhaawacmeen duqeyntaasi iyadoo dadka lagu amray inay guryaha hoostooda ku dhuuntaan, waxayna Israa’iil duqeyn cirka ah ka bilowday Marinka Gaza oo wararkii ugu danbeeyay sheegayaan in 3 qof Falastiini ah lagu dilay 9 kalena ay ku dhaawacmeen.
Dolwada Israel ayaan wax faahfaahin ka bixin howlgalka ka fashilmay ee qarsoodiga ahaa oo looga dilay Korneyl ka tirsan ciidamada gaarka ah ee dalkaasi. Waxayna ku hanjabtay inay tallaabo adag ka qaadi doonto Xamas.
Diyaaradaha dagaalka Yuhuudda ayaa burburiyey dhismaha telefishanka Al-aqsaa oo Xamaas taageersan, waxayna weerarro duqeyn ah ku qaadeen ilaa 70 goobood oo ka tirsan Marinka Gaza.
Xiisadda cusub ee dagaalka ayaa timid, iyadoo Netanyahu uu difaacay go’aan uu dowladda Qatar ugu ogolaaday inay 15 milyan oo lacag gargaar kaash ah ugu gudbiso shaqaalaha marinka Gaza, taasoo qeyb ka ah dadaal uu xasilooni ugu soo dabaalayo magaaladan oo ay maamusho Xamas.