Sunday, May 25, 2025

Boosaaso oo lagu toogtay todobo xubnood oo ururka Al-Shabaab ka tirsanaa

Maxkamadda ciidamada milateriga ee maamulka Puntland ayaa maanta xukun dil ah ku riday todobo xubnood oo lagu soo eedeeyay inay ka tirsanaayeen AL-Shabaab iyo qaar dilal qorsheysan ka fuliyay magaalada Gaalkacyo.

Shan ka mid ah xubnahaan ayaa la qabtay iyagoo hub gelinayay magaalada Boosaaso, halka labo ka mid ah lagu eedeeyay midkood inuu dilay 23 qof iyo midka kale oo isna dil iyo dhaawac ka geystay hotel ku yaal Gaalkacyo.

Shanta qof ee qaraxyada lagu qabtey bishii Abril 2017 ayaa magacyadooda lagu kala sheegay

Ad
  1. Cabbaas Ibraahim Yare Adam
  2. Ibraahim Maxamed Canshuur
  3. Dhaqane Cabdi Aadan Xasan
  4. Aadan Nuur Aada
  5. Nuur Cabdi Aadan Isaaq

Labada nin ee kale ee dil sugayaasha ahaa ee muddada labada sano ah dilka ku xukunaa ee maanta la diley ayaa magacyadooda lagu sheegay

  1. Cabdulqaadir Maxamed Cali, maxkamaddu waxay sheegtey in uu diley 23 marxuum oo ay ku jiraan masuuliyiin
  2. Cabdixakiin Xasan Xaamud
Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON