Afhayeenka Ciidaamada Booliiska Federaalka Soomaaliya ayaa shaaciyay in xubno ajaaniib ah oo ka tirsan ururka Khilaafada Daacish lagu qabtay degaanada Puntland.
Sadiiq Aadan Cali (Doodishe) ayaa magaalada Muqdisho ka sheegay in ciidanka Puntland ay gacanta ku soo dhigeen afar qof oo la rumeysan yahay inay ka tirsan yihiin Daacish, kuwaas oo u wada dhashay dalka Marooko.
Afhayeenka ma sheegin magacyada iyo qaabkii ay dalka kusoo galeen raggaasi, balse wuxuu shaaciyay in Howlgal ay ciidanka dowlad gobaleedka Puntland ka sameeyeen Buuraha Cal-Miskaad 18-kii Bishan Novembar 2023-ka ay gacanta ku soo dhigeen ajaaniibtan oo u dhalatay dalka Marooko, kana tirsanaa Khawaarijta Daacish.
Sidoo kale Afhayeenka Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sadiiq Adan Cali (Doodishe) ayaa sheegay in Hay’adaha ammaanka ay wadaan baarista raggan la qabtay.
Arrintan ayaa kusoo beegantay iyaoo Saaka magaalada Boosaaso lagu fashiliyey qarax uu nin ka tirsan Daacish ku doonayey inay la beegsadaan Shirkadda dhismaha qaabilsan ee Bulsho.