Wararka laga helayo magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in Booliska Somaliland ay xalay gacanta ku dhigeen nin kasoo beesha Qowmiyada Oromada oo magaalada Hargeysa ku dilay wiil dhallnyaro ah.
War kasoo baxay Taliska Ciidamada Booliska Somaliland ayaa lagu sheegay inay xireen Eedaysane ifsa Ahmed Sharif oo lagu soo eedeeyay inuu ku dilay Marxuum Amiin Siciid Sidiiq 22 sano jir ah.
Eedaysanaha oo ka soo jeeda qomiyada Oromada ayey Booliska Somaliland sheegeen inuu dagaal dhex maray marxuumka, kadibna uu Feer iyo jilib uu ku dhuftay, sidaasina uu ku dhintay marxuum Aamin, wuxuuna Dilkan ka dhacay Hotel Guuleed ee Magaalada Hargeisa hortiisa.
“Ciidanka Booliska ayaa markii lagu soo war galiyey Dhacdada Dilkaasi ka Hawlgalay waxayna Saacado Gudahood ku soo qabteen Eedaysanaha Oo goobtii uu dilka ka gaystay ka baxsaday. Ciidanku waxa uu ugu baaqaayaa cid kasta oo isku day amni darro in ay gacan bira ku soo qaban donaan iyagoo ILAAHAY talo saaranaaya” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Booliska Somaliland.
