Monday, September 9, 2024

Booliska oo xirxiray dhalinyarro hor leh oo ku caan baxay Anshax darrada Baraha Bulshada

Booliska magaalada Muqdisho ayaa sii kordhiyay ololah uu ku hayo dhalinyarrada Baraha bulshada u adeegsata Anshax-darrada iyo xiisad abuurka, iyadoo saacadihii ugu danbeeyay la xiray dhalinyarro cusub.

Ciidanka Boliiska Gobolka Banaadir ee ka howlgala aldhigga Boliiska Hodan ayaa Galabta soo xiray eedeysane Yaxye Xasan Maxamed 22 jir ah, kaasoo ku eedeysan in uu ku kacay falal anshax-daro ah oo kasoo horjeeda diinteena suuban ee Islaamka iyo dhaqanka wanaagsan ee Soomaaliyeed.

Sidoo kale waxay Booliska Muqdisho ee saldhigga Boliiska Hodan ayaa sidoo kale xalay xabsiga dhigay Asmar Daahir Faarax 23 jir ah oo ku eedeysan in uu ku kacay falal anshax-daro ah oo kasoo horjeeda diinteena suuban ee Islaamka iyo dhaqanka wanaagsan ee Soomaaliyeed.

Ad

Labada dhalinyaro ee ugu danbeeyay ayaa baraha bulshada la yimid muuqaalo aan hore loo arag oo ku saabsan dhaqan xumo gabdhaha Soomaalida lagula kacayo si ka baxsan dhaqanka.

Qoraal uu Booliska soo saaray maanta ayuu ku caddeeyay sababta keentay inuu xoogga saaro la-dagalaanka Anshax xumada ay tahay in dhismaha Asluubta Bulshada ay tahay qeyb kamid ah Dowladnimada iyo shaqooyinka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON