Booliska magaalada Muqdisho ayaa shaaciyay inay fashiliyeen Qarax ay Alshabaab dhigtay Goob ka mida Suuqa labaad ee ugu weyn caasimadda.
Ciidamada amniga ayaa sheegay inay fashiliyeen Qarax ay Alshabaab rabeen inay dadka ku dhibaateeyaan, kadib markii Boorso waxyaabo qarxa kasoo buuxiyeen ay soo dhigeen meel u dhow kaalinta shidaal oo ku taala Suuqa degmada Xamar weyne.
Ciidamada ka war helay inta aanay qarxin Booradaasi, waxayna xireen goobta si aysan waxyeelo uga soo gaarin dadweynaha, iyadoo markaas kadib la qarxiyay.
Fashilinta Qaraxan oo waxyeelo geysan lahaa waxaa laamaha amaanka ku wargeliyeen ciidamada Boorsada laga dhaliyay.