Taliska Booliska ayaa shaaciyey soo bandhigay rag burcad ah iyo hoggaamiyeyasha kooxaha Ciyaal-weerada ee xaafadaha Muqdisho oo lagu qabtay Hwolgaka Samakaab ee socda.
Afhayeenka Booliska Cabdifitaax Aadan Xasan oo saxaafadda u soo bandhigay dadkaasi ayaa sheegay in gacanta lagu dhigay hoggaamiyihii ciaal-weerarada degmada Kaaraan iyo raggii ka danbeeyya dilka Macalib dugsi oo lagu magacaabi jairay Macallin Nuur Jimcaale.
Booliska Saldhigga degmada Heliwaa: waxay qabteen 6 burcad ah iyo 4 hoggaamyeyaasha ciyaal weerada ah.
Saldhigga Booliska degmada Wadajir: waxay qabtay Nin Qori AK47 ku dhacay Mobile Iphone iyo 5 qof oo ciyaal weero ah.
Saldhigga Booliska Wardhiigley: Wuxuu gacanta ku dhitay 2 Burcad ah nooca Derbi ka boodka loo yaqaan oo dhac laba jeer u geystay Dukaan.
Saldhigga degmada Kaaraan: Boolisku waxay qabteen raggii ka danbeeyya dilka Macalin Nuur Jimcaale, iyagoo Mobile-yo dhacaya ayaana lasoo qabtay, waxaana afhayeenku uu sheegay inuu ku cad yahay falka dilka. Waxay kaloo qabteen Nin dabey ah oo dhac geystay iyo Hoggaamiyihi ciyaal-weerara degmada Kaaraan oo dhuibaato badan dadka ku hayey.
Sladhiga degmada Heliwaa: waxay howlgal ku qabteen Laba jawaab oo Xashiish ah oolooha cararay Sandaqad lagu rada joogo dadkii lahaa.
Afhayeenka Booliska ayaa dhinaca kale difaacay Go’aanka lahgu joojiyey socodka Mooto-Bajaajta wixii ka danbeeya Saqda dhex, arrimaha loo joojiyeyna ay ka mid tahay dhaqanka xun iyo gabdhaha xilliga danbe socda ee taga goobaha dhaqamada xun lagu sameeyo.