Booliska Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixiyay dagaal ciidamada dowladda iyo maleeshiyo sarkaal ka tirsanaa ciidamada dowladda ku dhex maray xaafadda Kaawo-godey ee degmada Dharkeynley, magaalada Muqdisho.
Afhayeenka ciidamada Booliska Sadiiq Aadan Cali Doodishe ayaa shir jaraa’id ka sheegay in Sheegow Axmed Cali uuu ahaa kabtan hore uga tirsanaa ciidamada dowlada oo laga ruqseeyay, markii uu dhowaan dalka ku soo laabtayna u Gurigiisa noqday goob ay ku dhuuntaan Burcadda.
Afhayeenka ciidamada Booliska Sadiiq Aadan Cali Doodishe ayaa sheegay in 14-kii Ogost burcad hubeysan ay dhac u geysteen 12 qof oo shacab ah, markii la daba galayna laga soo qabtay Guriga Sheegow, iyadoo markaas kadib halkaasi laga abaabulay maleeshiyo, Gurigaasina uu ahaa mel ay ku dhuunteen burcadda.
Ex. Dhamme Sheegow Axmed Cali ayuu Afhayeenka Booliska sheegay inuu Gurigiisu ahaa meel amniga caasimadda laga khalkhal geliyo, lagana soo qabtay Sheegow 18 maleeshiyo ah, 7 kalena ay ka dhaawacmeen.
Qasaaraha ayuu sheegay in hal askari u ka dhintay ciidamada dowladda, 4 kalena ka dhaawacmeen, halka maleeshiyada Sheegow 2 laga dilay 7 kalena iyagoo dhaawac ah la qabtay.
Guriga Ex. Dhamme Sheegow in laga helay Lacagta Doolarka Madow ee sharci darrada ah, isagoo caddeyya in si degdega maxkamad loo soo taagi doono.